BBC-du Miyey Ka Masuugtay Warbixintii Freedom House Ka Sheegtay Somaliland? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
BBC-du Miyey Ka Masuugtay Warbixintii Freedom House Ka Sheegtay Somaliland?
February 13, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa  (WJN)- Laanta Af Soomaaliga ee BBC-du waxay  la qabsatay inay   ula-kac u xajiimayso Jamhuuriyadda Somaliland, si ay u marin habaabiyaan bulshada, iyadoo caaddeysatay   in aanay dheeli-tirin barnaamijyada iyo faallooyinka ay ku durayaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Idaacaddan oo indhawaale ay la wareegeen  hawlwadeenno qaarkood ku kaddeedan  afka  war-tabinta, isla markaana lagu gardaadiyey  xiqdiga ay u hayaan Qaranimada Somaliland, waxay is-qaadsiiyeen dagaalka  ay ku xaqirayaan Somaliland oo ah dal nabdoon oo ay ka jirto dawlad dimuqraadi ah oo xornimo u hadalka iyo madax-bannaanida Saxaafaddu u tahay tiirarka waaweyn ee halbeegga u ah dawladnimadeeda.

Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da  waxay  12kii bishan ku daabaceen mareegtooda faallo ciwaankeedu ahaa; “Somaliland: Ma tiirkii asaasiga u ahaa Dimuqraaddiyadda ayaa Halis ku Jira?”

Waxa  wax ka soo qaad mudan in aanay  BBC-du waxba weydiinin masuuliyiinta Xukuumadda  ee wadar ahaan  la eedeynayey, waxaanay  Xoriyatul-qowlka Somaliland ay ku miisaameen  hal xukun  oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay ku riday horaantii toddobaadkan Wargeyska FOORE ee ka soo baxa Caasimadda Hargeysa, kaasi oo maxkamaddu caddeysay  inay ku heshay dambi la xidhiidha inuu daabacay  warar   been abuur ah oo wax loogu dhimay cirdiga iyo sharafta Musheekh iyo Masuuliyiin dawladeed, iyadoo uu walina  ay u furan tahay masuuliyiinta Wargeyskaas  inay racfaan ka qaataan  xukunkii ku dhacay  haddii ay dood sharci ah ka qabaan.

Waxaa isweydiin mudan dacwadda  Wargeyska FOORE iyo xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo isna ku eedaysan inuu sumcad dilayey ciidanka Booliska, ma loo nisbeyn karaa in la yidhaahdo   “Waxa halis ku jira Tiir Aasaasiga u ah Dimuqraaddiyadda?.”

Jawaabta, waxaan u dhaafaynaa  inay ka garsooraan bulshada Xog-ogaalka ah ee caqligooda malo-awaalka lagu jiheynayo.  waxayse Faallada BBC-du   muujinayaa inay idaacadaasi  ay ku shaqeyso Siyaasad dhexdhexaadnimada ka fog oo ay u adeegsato inay ku Nashuushadeeyaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Yoolka BBC-du ka laheyd faalladaas,  ayaa u muuqata  inay kaga masuugayeen  Warbixin  isla toddobaadkan  soo baxday  oo ay soo saartay Hay’adda Freedom House oo fadhigeedu yahay Washington oo qirtay   in Somaliland  ay xorriyadda hadalka kaga horreyso, isla markaana kaga wanaagsan tahay  Dhammaan dalalka  Gobolka Geeska Afrika, warbixintaas oo Soomaaliya  oo BBC-du  u xagliso ku qiimeysay dalalka safka hore kaga jira dhibaataynta iyo dilalka Suxufiyiinta.

Madax-bannaanida Saxaafadda iyo Xornimo u hadalku waa  waajib uu dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta JSL, Sidoo kalena  xoriyatul-qowlku waa mid si dabiici ah lafta iyo dhiigga  kaga jira ummadda reer Somaliland oo ah aan la suullin karin.

Xukuumadda Somalilandna waa mid u heellan  inay koriso oo si anshax leh ay u kaalin-geliso Saxaafadda Somaliland oo tan iyo dib ula soo noqoshada madax-bannaanida dalkan ka soo ciyaartay   door lama ilaawaan ah, isla markaana  kaalin togan ka soo qaatay marxaladihii kala duwanaa JSL soo  martay Soddon sanno ku dhowaadkii la soo dhaafay.

 

Xigasho: Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA)

COMMENTS
LINKS