Jig Jiga Isbedelka Ka Dhacay Mid Togan Iyo Mid Tabanba Wuu Leeyahay Barkhad-ladiif ;Q:2aad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jig Jiga Isbedelka Ka Dhacay Mid Togan Iyo Mid Tabanba Wuu Leeyahay Barkhad-ladiif ;Q:2aad.
February 13, 2019 - Written by Editor:

Jig jiga Marka tagto Waxa dareemaysa xoriyad badan oo dadka oo dooddaya, waagii hore taasi may jirin, marka BBC la dhagaysanayo qof falanqeyn jirey may jirin dhagayso oo aamusni ku dhaqaaq bay ahayd imika sida la doona loo hadlayaa.
Waagii hore jigjiga habeenkii inamo aan qoryo sidan baa amniga ilaalin jirey oo dadka baadhi jirey, haseyeeshee imika hadhcad waxa tuman askar militari ah oo laba laba u socda oo gidaarka martaba askar militeri baad ku arkaysa oo heer Fadaraal ah oo aan soomaali garanayn, waxaad dareemaysa inay dhibaato jirto.
Xaafadaha Xabashidda oo aan dhex lugayey kumaan arag soomaali dhex socota, taasina waxay muujinaysa in la kala fogaaday, wali raadadkii rabshadihii dhacay August 4-dii, way ka muuqata guryaha xabashidda.
Jiga jiga waxaad ku arkaysa fooqyo qabyo ah oo hoostiisa uun inta la hagaagjista laga dhigay cafeteria, markaad dadka waydiiyey fooqyadan qabyada ahi waxa la ii sheegay in wakhtiigii nidaamkii hore ay fooqyadan la waday balse imika qabyo noqday, waxaana lagu macneeyey in nidaamkii hore dad badan naas nuujin jiray, taasina ay keentay inuu qof waliba badhtamaha ka dhisto guryo fooq ah, haseyeeshee dhaqaalihii nidaamkii hore markii meesha ka baxday ay awoodi kari waayeen inay dhistaan.
Waxaan la kulmay macalimiin dhiga jaamacadda Jigjiga waxay ku shaqo tagayeen gaadiidka Bajaajka looyaqaaan oo iyagu leeyihiin, sababtuna waa xaga dhaqaalaha oo shiidaal badana ma isticmaalayso kharash badana kama doonayso, waxay qaataan mushahar ka yar ka Hargeysa ku qooto macalinka dhigiisa ah, haseyeeshee waxa uu isagu dheer yahay guri bilaash ah, caruurtiisa oo waxbarasho iyo caafimaad bilaasha helaysa, taas ayaa sababtay inay jeclaystaan inay mushaharka yar ku shaqeeyaan.
Dadka markaad la sheekaysato waxay ku odhanaya waxaanu la qabsan laanahay xoriyada, waxayna dadku u qaateen waxaad doontid samee, nin waliba wuxuu doono ayuu samaynayaa.
Nidaamkii hore ee Cabdi Iley waxa uu madaxtooyada usoo raray duleedka koonfur bari ee magaalada, halkaasi oo aanay cidi usoo dhawaan jirin, haseyeeshee imika dadkii baa wada sees ka samaystay oo meelihii laga mamnucay wada dhisanaya.
Itoobiya waxay Somaliland iyo soomaalida kaleba kaga fiican tahay dhulka waxa maamula dawladda, waxaan la kulmay ganacsato doonayey inay ganacsi ka furaan deegaanka, waxaanay la kulmeen maayarka Jigjiga, waxa uu maayarku jigjiga u ballan qaaday inuu dhul bilaasha siin doono, waliba iyagu ku yidhi meeshaad doontaan ee aad jeclaataan uun noo tilmaama, qof kasta oo magaalada maalgashanaya dhulkiisa waa bilaash.
Faa’iida kale ee isbedelku u keenay waxa ka mid ah is dhex galka bulshada, daqiiqadiiba toban gaadhi baa jigjiga u baxaya ama wajaale usoo baxaya, gaadiidka oo aan ka waraystay isbedelka waxay sheegeen inuu imika uga dakhli badan yahay, laba arimood imika way kordhiyeen kiradii lagu raacayey, dadkii isku soconayey way bataan.
Inta badan baabuurta waxa kolna jigjiga usii raacaya marna ka imanay waxay u badan yihiin reer JIgjiga, waxaana badankoodda bilaabeen ganacsato, isedel kasta dadka faa’iido iyo fursado ayuu siiya dadna way ku kacaan, waxa jigjiga ku arkaysa fursado badan oo ganacsi, taasi waxay keentay in badankoodu Hargeysa yimaadaan oo fikradaha ganacsi ee ay ku arkaan ka hirgaliyaan jigjiga, waana la kulmay dhalinyaro badan oo wixii ay u baahnayeen Hargeysa ka iibsaday ka dibna meherado ka furey Jigjiga.
Halka dhalinyaro reer Hargeysa iyo kuwo reer jigiga intay lacago isku darsadeen ganacsato yaryar ka samaysteen , sidaas darteed isbedelku mid togan iyo mid tabanba wuu leeyahay.
dhamaad.

 

COMMENTS
LINKS