Ma Daaraha Ayeynu Dhisnaa Iyo Dariiqyada, Mise Dadkii Dhisi Lahaa Dalka,!W/Q;Muhumed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Daaraha Ayeynu Dhisnaa Iyo Dariiqyada, Mise Dadkii Dhisi Lahaa Dalka,!W/Q;Muhumed Dhimbiil.
February 14, 2019 - Written by Editor:

Marka aynu eegno ee fiirsano nolosha aadamaha ilaahay aduunkan ku abuuray kuwa hada nool kuwii qarniyadii hore noolaaba , waxa ay caqabadaha adag ee nolosha kaga baxeen aqoon iyo waayo aragnimo iyo dedaal oo ay ku gaadheen horumar iyo halkaa la taagan yahay.

Waxa hubaal ah in dadka oo la dhisaa ay tahay waxa ugu muhiimsan ee umad doonaysa halka ay taagan tahay in ay hore uga socoto oo horumar hiigsato  iyo hawlaheega nololeed ee ay u baahan tahay.

Waxa tusaale kuugu filan iyo ku dayasho Nabigeenii Muxamed صلى الله عليه و سلم waxa uu 11 sanadood mudo lagu sheego uu iimaanka ka dhisayey asxaabtiisii intii aan hawl kaleba loo dirin, ilaa ay noqdeen dad dhisan oo daafaha dunida diinta islaamka gaadhsiiyey ilaahay raali ha ka noqdo dhamaantoode.

Haddaba marka aynu u soo noqono dalkeena maanta waxa aynu rabnaa in aynu hiigsano aduunka horumaray ee dedaalay ee nolosha ku sameeyay daahfur iyo in ay dhibaatooyinka inta ay ka baxaan waliba raba in ay aduunka kaga tagaan raad muuqda oo lagu xasuusto.

Waxa aynu rabnaa in aynu maarayno oo xal u helo dhibaatooyinka inala hadhay ee uu ugu weyn yahay jahligu, ee uu ku xigo faqrigu ee ay ka mid yihiin dib u dhaca iyo daryeel la’aanta inta ugu badan ku habsatay qaaradan aynu ku noolahay oo sababtay in aynu aduunka kale daba gurguurano.

Waxa aynu rabnaa maamul wanaag iyo dawladnimo cadaalad ku dhisan oo uu qofwaliba dareemo adeegyada baahiyaha uu uga baahnaa dawlad in uu heli karo isaga oo aan u mareyn wado ka duwan sharciyada dalka u yaalla iyo xuquuqaha muwaadiniintu dalkooda ku leeyihiin.

Waxa aynu rabnaa waxkasta oo wanaagsan iyo darajo kasta oo sareysa oo Ibnu Adam gaadhay in aynu gaadhno oo hiigsano haday tahay mid aduunyo iyo haday tahay mid aakhiroba.

Waa hubaal in aynu gaadhi karno meelkasta oo Ibnu Adam gaadhay !!!

Laakiin waxa isweydiin leh sidaynu ku gaadhaynaa? wadadee aynu u maraynaa halka aynu rabno in aynu gaadhno? maxaa aynu u baahanahay in aynu halkaa ku gaadhno?

Jawaabaha su’aalahani si dhib yar ayaa looga jawaabi karaa afkana loogu sheegi karaa, hase ahaatee waxa adag sidii la iskugu hawli lahaa ee loo hirgalin lahaa oo u baahan dedaal , go’aan qaadasho iyo isku tashi bulsheed.

Waxa aad og tahay akhrista in maanta dalkasta oo aduunkan aynu ku noolahay ku guud yaal oo aynu u aqoonsanahay in uu yahay dal horumar gaadhay ama nolosha binu adamka caqabado badan oo ku gedaanaa intoodii badnayd maareeyay, wax na ku soo kordhiyey lagu xasuusto in aanu dadkiisa oo uu dhisay la’aanteed aanu gaadheen halkaa.

Halkaa waxa kaaga soo baxaysa in dadka oo la dhisaa ay ka muhiimsan tahay daaro la dhiso iyo dariiqyo la dhiso, waxa imanaysa halkaasi su’aal sidee dadka loo dhisayaa ah ?

Su’aashan iyo su’aalihii ka horeeyay jawaabahoogu waxa ay noqonayaan in aynu meel walba oo wanaagsan oo Ibnu Adam gaadhay ku gaadhi karno dadkeena oo aynu dhisno, oo laga dhiso waxa ugu muhiimsan oo ah diinta islaamka , waxa laga dhisayaa nidaamka waxbarasho ee dalka oo la eegayaa ama la qiimeynayaa aqoonta aynu baranaa ma tahay mid inagu anfacaysa deegaanka aynu ku noolahay iyo duruufaha ku gedaaman.

Waa seeska umada ee aan is leeyahay Waynu ka hagaagi karnaa oo ka horumari karnaa hadii aynu maanta ka fikirno dadkeenu 30ka sano ee soo socda dad noocee ah bay noqon doonaan marka aynu arimahaa aan tilmaamay iyo qaar badan oo kale dib wax la isaga waydiiyo,  oo aynu dhigano qorshe dheer oo nololeed iyo mustaqbal.

Markaa daaraha iyo dariiqyada oo la dhiso waxa ka muhiimsan dadkii nolosha iyo mustaqbalka dambe ee umadan gacanta ku qaban lahaa oo aynu maanta dhisno , sababta oo ah dad dhisan ayaa dal dhisi kara oo dunidana hogaamin kara.

Aragtidayda

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS