Jabuuti Iyo Eritrea Oo ka Dad Yar Itoobiya Iyo Kenya Midna Ma Hungurayn karaan Badoodda, Balse Waxay Hungureeyeen Badda Somaaliya, Waayo? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jabuuti Iyo Eritrea Oo ka Dad Yar Itoobiya Iyo Kenya Midna Ma Hungurayn karaan Badoodda, Balse Waxay Hungureeyeen Badda Somaaliya, Waayo?
February 16, 2019 - Written by Editor:

Kenya si cad waxay u sheegtay inay Bada Soomaaliya shiidaalka laga helay ay iyadu leedahay, Itoobiya waxay ciidanka badda u samaysatay inay Badda Soomaaliya xoog iyo xeelad ka ay doontaba ha ku hesho inay badda Soomaaliya ee dayacan dalkeeda Bad uga hesho.

Dadkan lagu muran yahay ee dalalkii jaarka ku haysteen badeeda iyo shiidaalkeeda iyaga isku maqan, oo xukuumaddii Farmaajo waxay iska ilaalinaysa uun madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, Cabdi shakuur.

Kenya iyo Itoobiya midna ma gungureynayaan dalalkooda jaarka sida Eritrea, Jabuuti iyo Suudaan, wallow dalalkoodu tiro yar yihiin (Eritrea iyo Jabuuti) balse waxa lagaga waabayaan waa madaxweyneyaashoodda oo khibrad siyaasadeed leh, isla markaana ka waayo aragsan labada kala hogaamiye Kenya iyo Itoobiya.

Waxa tusaale kugu filan xigmadan: bisado uu hogaaminayo Libaax hadii ay dagaal galaan way guulaystaan waayo libaax baa hogaaminaya, balse Libaaxyo uu hogaaminayo bisadi way jabaan,waayo bisad baa hogaaminaysa, macnihii hadba qofka hogaanka ku ah ayaa guul iyo guul daro ku horseedi kara.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF CUMAR.

 

COMMENTS
LINKS