Isir Ka Dhuumashada Waxa Dhaanta Dimashada! W/Q;Samiya Muuse. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isir Ka Dhuumashada Waxa Dhaanta Dimashada! W/Q;Samiya Muuse.
February 16, 2019 - Written by Editor:

Caanahana Ruuxi Lushee Labeentoodana Nacaa, Laabtiisa Waxba Ku Jira!!

Waxaan Dood Wadaagnay Gabadh Finnish ah u igu tidhi waxaan asal ahaan ka soo jeeda Istoonia hooyadayna waa Finnish, waxay tidhi markii aan u soo guurnay Finland runti waxay igu ahayd nolol adag anaga u waliba luqad ahaan isu dhaw iyo dhaqan ahaanba , laakin aniga waxay igu noqotay adayg bilawgii .

Waxay i waydiisay inaan aqaano heesta calanka Finland, waxaan ku jawaabay waan aqaana! waxay i tidhi wali ma qaaday heesta calanka Finland ? Waxaan ku idhi waligay hees calan waxaan ka qaaday heesti calanka dalka Kuwait ! Waxay igu tidhi aniga laftigaygu heesta calanka Finland ma qaadi karo u markaan maqlo waan ooyaa waayo waxaan xasuusta heesti calanka wadankaygi Istoonia !!

Waxay ii sheegtay gabadhi inay markay Finland imanaysay ay ciidi dalkeeda bac ku soo shobatay , waxaanay igu tidhi inankayga waxaan kula dar daarmay maalintaan dhinto inoo ciidaas igu kor shubo ……………..!!!!

Isla markiiba waxaan xasuustay gabadh aan la kulmay iyada u safar ka timid dhulka hooyo , markaas ayaan is idhi bal ka warayso safarkeeda si aad oga faayidaysatid adiguna u sanadka danbe aad dalkii hooyo soo baratid …… ! Gabadhi baan ku idhi wallahi waad ku soo dalxiistay dalki hooyo ..!.. waxay iigu jawaabtay :

Alla Inadero ilaahay kuma geeyo ! wallaahi waa nolol rafaad ah u dadkii ay nafta kuu keenayaan !!!! Waxaan idhi u walaalo :

Miyaanad ku dhalan adigu halkaas ? Markaasay igu tidhi waan ku dhashay wallahi u walibana ilaa Secondry School ayaan ku soo dhameeyay !!! Waan yaabay u waxaan idhi maxaa hadaa meeshaad ku dhalatay aad ku kortay u caayaysaa u waliba ah dalkaagi Hooyo ? waxay iigu jawaabtay walaalo hada lama qabsan karo ….!

Waxaan hadaba anigu is waydiiyay dadkeena ka yimid dhulka hooyo markay wadamada Europe yimaadaan maxay u dhaqan guuraan ay walibana u dafiraan nolashay ku soo barbaareen ama ku koreen ? miyaanay ogeen inay tahay noloshaasi dhaxal ma guurta ah…..!

 

Qalinkii; Samia Muse.

COMMENTS
LINKS