Kenya iyo Soomaaliya waa labo dal oo jaar ah, oo uu midba midka kale dan weyn ku qabo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kenya iyo Soomaaliya waa labo dal oo jaar ah, oo uu midba midka kale dan weyn ku qabo.
February 17, 2019 - Written by Reporter:

Tusaale ahaan, Soomaaliya ganacsigeeda ugu weyn iyo suuqeeda ugu weyn ee Bariga iyo Bartamaha Africa waxa uu ka bilaabmaa Kenya.

Soomaaliya dadkeedu danta ugu weyn waxa ay ku qabaan suuqa furan oo uu ganacsigeedu ka helo labo bilyan in ka badan (Free Market Private Sector), walow dawladda Muqdisho fadhidaa aaney ganacsigaa waxba ku qabin oo uu cashuur la’aan yahay.

Yeelkeed e, Soomaalida Soomaaliya ayaa si fiican uga faa’idaysta. Ganacsigaasi waxa uu isugu jiraa mid la oggol yahay iyo mid mamnuuc ah (Contraband).

Sidaa si la mid ah Kenya dan weyn oo ganacsi ayey ku qabtaa Soomaaliya. Waxa ay keentaa qaad, ay faa’ido ahaan ka hesho hal bilyan oo doolar. Soomaaliya waa suuqa saddexaad ee Kenya ay haysato marka ay timaad wax dhoofinta.

Taa macnaheedu ma aha Kenya haddii uu qaadku ka joogsado dhaqaale ahaan wax weyn ayey u noqonaysaa. Tusaale ahaan, GDP ga Kenya ee wakhtigani waa $86 bilyan, cadadka qaadka Soomaaliya u dhoofa ay ka heshaana waa hal bilyan keliya. Markan oo kale dhaqaaluhu waxa uu yidhaa ‘Peanuts’.

Inta ay doonto ha leekaato e, dantaa labada dhinac ay isku qabaa wax weyn ayaa beddelay. Kenya iyo Soomaaliya dhul iyo shidaal ayey isku hayaan, hadba kii ku guulaysta helista dhulkaa ayaa barwaaqo badsan doona.

Danahaa maxaa innoo gu jira ayey su’aashu imanaysaa? Danta Somaliland ugu jirta si degan oo aqoon weheshi ah in loo ga fekero weeyi. Adduunyada ma fududa in aad dhinac raacdo, waayo siyaasaddu waa dan, ma aha isir, ma na aha nebcaanshiyo.

Cidda Soomaalinimo ku raacaysa Xamar ee Kenyana cid ay tahay ku diidaysaa waa cid aan dawladnimo iyo siyaasad waxba ka aqoon. Sidaa si la mid ah inta Xamar baynu is-haynnaa keliya ee ka gaadhsii fekerkeedu yahay wax kale oo uga danbeeyaana aaney jirin, iyana waa gudcur guda. Somaliland haddii ay dan dawladnimo ka fekerayso ha ka fekerto maxaa ii gu jira ee dan ah.

Ma aha isir ma na aha wax diid, waase wax doon oo faa’ido iyo waxa kuu dan ah oo keliya doon dawladnimadu. Kenya aynnu raacno maxay doorsanaysaa? Soomaaliya aynnu taageerno e, maxay ku beddelanaysaa? Siyaasadda dawladnimadu waa sidaa walaalayaal. Wakhtigan Soomaaliya cadow baynu dawladnimada ku nahay, sidaa darteed, Kenya ayaa innoo furan, haddii ay gorgortan sax ah la timaaaddo ahlan wasahlan. Dawladnimadu waa dan.

 

Mohamed Hagi Mohamoud

COMMENTS
LINKS