Maal-qabeeno Ka Socday Dalka Sweden Oo Kulamo La Yeeshay Xukuumada Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maal-qabeeno Ka Socday Dalka Sweden Oo Kulamo La Yeeshay Xukuumada Somaliland!
February 18, 2019 - Written by Editor:

Maal-qabeeno Swedish ah, Oo Somaliland Uyimid Maalgalin Iyo Arimo Ganacsi + Ujeedada kulan Ay Layeeshay Xukuumada!!

HARGAYSA(W,N) Wafti Iskugu jiray Maal qabeeno udhashay dalka sweden oo uu Weheliyo Safiirka somaliland Ufadhiya Dalka Sweden Ambasador Sakariye Xasan Wacays ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiinta wasaarada arimamaha dibada somaliland iyo wasaarada ganacsiga.

Ujeedada Ganacsatada swedishka ahi  Uyimaadaan Somaliland ayaa Ah Sidii ay somaliland maalgalin lahaayeen. Iyo arimo Ganacsi.

Ugu horayna waxaa xubnahan Ganacsatada ah xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka wasaarada arimaha dibada, sidoo kale  waxay kulamo kale layeesheen masuuliyiinta wasaarada ganacsiga& warshadaha iyo dalxiiska .

Safiirka somaliland ufadhiya dalka sweden Amb Sakariye xasan Wacays ayaa mudooyinkii udanbeeyay ku hawlanaa sidii uu khayraadka somaliland ugu raadin lahaa maalgashi caalami ah taasi oo xiligan keentay in dalka ay yimaadaan ganacsato waawayn oo udhashay sweden kuwaasi oo lagu wado in ay somaliland ku sameeyeen maalgalin.

Wajaalenews Desk

Hargeisa office

Email;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS