Kenya Oo Shuruudo Adag Ku Xidhey Soo Celinta Xidhiidhkii Diblamaasiyadeed Ee Somaaliya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kenya Oo Shuruudo Adag Ku Xidhey Soo Celinta Xidhiidhkii Diblamaasiyadeed Ee Somaaliya!
February 18, 2019 - Written by Editor:

NAROOBI(W,N) Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay saddex shardi oo ay dooneyso in lagu xaliyo muranka diblamaasiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay in Kenya ay rajeyneyso in saddexdaas shuruud laga soo baxo si dib loogu soo celiyo xidhiidhka diblamaasiyeed ee labada dal.

Qodobka koowaad ee ay Kenya dalbaneysa ayaa ah in Soomaaliya ay ka noqoto qaybaha ka mid ah soohdinta dalkeeda ee ay Soomaaliya ku suuqgeysay 7-dii bishan magaalada, London ee dalka Ingiriiska.

Shuruudda labaad ee ay Kenya ka dalbaneyso Soomaaliya ayaa ah in Soomaaliya ay ogeysiiso dhamaan shirkaddihii baayacay xidhmooyinkii dhulka shidaalka ee ay ku soo bandhigtay shirkii London in aysan Soomaaliya dhulkaasi laheyn,

Shuruudda sadexaad ee ugu dambeysa oo ah, in Kenya ay dooneyso in wada xaajood ay labada wadan ka galaan arrinta muranka badda oo ay xal walaalnimo ka gaadhaan, iyadoo aan la marin Maxakamadda caalamiga ah ee Hague ee ay hadda dacwadooda taalo.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS