Bud-dhiga Rugta Kutubta Gabiley, Koboca Garaadka Iyo Korodhka Magaalada.(Gabiley National Library!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bud-dhiga Rugta Kutubta Gabiley, Koboca Garaadka Iyo Korodhka Magaalada.(Gabiley National Library!!
February 18, 2019 - Written by Editor:

Magaalo Madaxda gobalka Gabiley ayaa waxa laga binaynayaa Rug kutubeed oo ah mida ugu heerka sareysa rugahaasi, Taasoo lagu magacaabo Gabiley National Library Isla markaana loo dhisayo si heer caalamiya laguna qalabaynayo si balaadhan, Waxaanay ka mid noqonaysaa waxyaabaha muhiimka u ah korodhka iyo koboca magaalada tan gabiley una soo jiidi doona bilic ama bildhaan-san oo bulshada iyo dagalkaba ugu filan maqaam, Geesta kale waxaan ku boorinayaa dhalintu iney ku dadaalaan oo ay ku dhiiradaan iney wax-akhriyaan si ay ula jaan-qaadaan dunida una fahmaan wax badan oo loo baahan yahay.

Waxaan u mahad celinayaa cid kastoo ku lahayd fakirka hindisaada, hir-galinta amaba hilaadinta Rugtani casriga ah ee laga binaynayo gudaha magaalada gabiley, Kuwaa soo ku tabcay waqtigooda, maalkooda, maskaxdooda iyo mihnadooda gaar ahaan Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley iyo Dawlada dhexe ee Jamhuuriyada Somaliland oo doorer laxaad leh ka ciyaarey suura-galinta maktabadani isla markaana miisaaniyadaha hay,adahooda ugu darey xadiga maalka lagu dhisayo.

Ugu danbayn waxaan u soo jeedinayaa Bulsha-weynta reer gabiley inay ka qayb qaataan doorkooda muwaadinimo ee looga fadhiyo haday tahay muruq, maskax, maal iyo mihnadba, Gaar ahaan ganacsatada sharafta leh ee gobalka inta badana ah mutadawiciinta diran ee u adeega umadooda lana garab taagan dhiiri-galinta hadba waxii la wada qabsanayo ee bulshadoodu ku tashato, Waa wanaag iyo sumcad u sugnaatey iney haatan ka dhex muuqdaan gudida dhismaha maktabada runtiina waa doorka ugu muhiimsan koodu, Dhinaca kale umad-weynta reer gabiley cadad kasta iyo cayn kasta oo ay yihiin iney ka qayb qaataan hir-galinta waaga cusub ee gabiley u baryey oo wata isbaddelkiisa san.

W/Q. Cabdiraxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

 

COMMENTS
LINKS