Sidee Xaalku Weeyaan Somaliland!Qalinkii;Cabdikarim Qaamuus. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sidee Xaalku Weeyaan Somaliland!Qalinkii;Cabdikarim Qaamuus.
February 21, 2019 - Written by Editor:

Mujaahid weyn oo loo hanweynaa ayaa la doortay oo waxaa madaxweyne loo doortay muuse biixi cabdi oo wax badan laga filayay laguna sheegi jiray hala adayg iyo astaamo hogaamineed laakiin ilaa hada ma Muuqato oo sanadkii koowaadba waxaa yimi saluugii ugu weynaa ee laga muujiyo siyaasada xukuumada somaliland waliba waa saluug ay ka siman yihiin muxaafid iyo mucaaradba

Inkastoo wakhtigii kaanbaynka ay hareero socdeen rag badan oo saamayn leh lana tuhmayay hadana midh lagagama soo darin xukuumadii la dhisay

Xukuumada la soo dhisay muxaafid iyo mucaarad midhkay yihiin muran baa ka jira waayo inta badan waa dad aan saamayn lahayn lana aqoon iska daa ee xataa kuma jiro shaqsiyaad aftahanimo iyo aqoon ku difaaci kara xukuumada muusi waana ta keentay in dhaliiĺaha dadka ka soo horjeedaa ka saamayn badato xukuumada

* warbaahintii qaranka waxaa ka saamayn batay facebook live ka

* inkastoo barnaamij qurux badan wakhtigii kaanbaynka loo akhrin jiray bulshada hadana imika waxuu sahwi galay iska daa in hore loo socdee sidaan ku sii taagnaan lahayn

* waxuu la kawsaday isbedel siyaasadeed oo geeska si aan la filayn uga hanaqaaday in wax la su.aalana sanad iyo waxoogaa ayay ku qaadatay inuu la kalmo atooraha isbedelka geeska ee abiye axmed maxsuulkiina waxuu noqday in villa soomaaliya tidhaa waan ku dhiirigalinaynaa maamulka somaliland oo ka aqbalay raysal wasaaraha itoobiya qorshe uu u soo bandhigay oo ahaa inay wada shaqayn dhaw yeeshaan dawlada faderaalka soomaaliya.

*fursadaha muuse waxaa ka mid ahaa waxuu xilka kala wareegay xisbigiisii kulmiye oo aan ahayn socod barad balse sideed sano soo hayay talada dalka balse kama uu faa.idaysan waayo aragnimadii ragaa hore ee xisbigiisii mana uu keenin rag la yimaad hal abuurnimo cusub saaxada siyaasada balse waxuu keenay wasiiro iyo rag iska daa wax kalee aan xataa afsoomaali ku difaaci karayn xukuumadood oo aan la garanayn sababta loo soo xulay ma xisbinimaa mise waa wax kale? Oo aan aqoon u lahayn xataa bulshaday xukamayaan oo aan wax qiimo ah ku lahayn qaranimo iyo qabiilnimo labadaba xataa ma jiro mid jufadiisa saamayn ku leh iska daa cid kalee

* waxyaabaha kale ee uu la kawsaday waxaa ka mid ah social media oo saamayn baaxad leh ku yeeshay mujtamaca waayo markii hore waxay ahayd ilo wareedyada bulshadu ka helaan xogta bbc radio hargaysa iyo dhawr joornaal balse hada waxaa si xawli ah daqiiqad kasta u faafaya warar aan tifaftirnayn oo la iskugu gudbinayo mareegaha bulshada suurto galna maaha in la xakameeyo lamana ay iman qorshayaal siyaasadeed oo lagula jaanqaado .

* waxaa kale oo uu la kawsaday oo aan la dafiri karin xukuumada fadaraalka soomaaliya oo xoogaysatay iskuna diyaarinaysa inay doorkeeda ka ciyaarto siyaasada gobolka oo xataa saamayn aan hore u suurto gal ahayn ku yeelatay maamul goboleedada.

* waxaa kale oo jira qabyaalada oo dabarka goosatay iyo kala qaybsanaaan muusena iska daa inuu la tacaalee xataa reeruhu cid ay garanayaan uma uu magacaabin

* markii ay xakamaha goosteen baraha bulshadu ku xidhiidho waxaa dadwaynuhu si xor ah isku dhaafsadeen aragtiyahooda mid taban iyo mid togan iyo faalooyinkooda iyo falanqayn aan la tifaftirayn taasina waxay wax badan ka badashay hab fikirkii dadka waxayna ilaa dgalaanku fahmern inaanay jirin mabda siyaasiya iyo qorshayaal qaran oo asxaabta qaranku leedahay hadaan qaranimada la isku xukumayn dee qabyaaladiina si la isku waafaqsan yahay uma shaqaynayso..

* waxaa halkii ugu darnayd sixir bararkii iyo sa4a u kaca maceeshada oo siday xukuumadu sheegtay kala badh ayaa macaluul looga baqayaa somaliland.

* isha koowaad ee dhaqaalaha dalku waxuu ahaa dekada berbera waxaa lagu wareejiyay shirkad imaaraat ah waxayna halkii dakhliga dalku ka soo galayay lagu qabanaya lacagtiii ka soo baxaysay dollar oo habeen kasta dp world intaasoo milyan oo doolar ah ayay u baahan tahay oo dubia loo dhoofiya waxayna qayb ka noqotay dhiig baxa dhaqaalaha dalka oo awel lacag adag xaga itoobiya ai joogta ah ugu baxayay waxaa soo kordhay dubia

Hadaba xaalka dalku waa sidaasee maxaa xal ah ? Kolay muuse kaliya xilku ma saarnee muwaadin kasta wuu saaran yahee waxaa xal waara la helaa marka xogta la is waydaarsadee arimahaa aan tibaaxay maxaa kaaga baxay ? Oo maxaad ku kordhin lahayd.

QALINKIIL CABDIKARIIM MUXUMED XASAN (QAAMUUSKA)

COMMENTS
LINKS