Ma Soconayso Bilayskuu U Xidhan Yahay Iyo Adeer Baa Loo Yahay!. Ma Aha Waxaasi Shuqul Dawlo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Soconayso Bilayskuu U Xidhan Yahay Iyo Adeer Baa Loo Yahay!. Ma Aha Waxaasi Shuqul Dawlo!
February 22, 2019 - Written by Editor:

Wariye Moge: Abwaan Abees muddo ayuu xidhnaa, maxay keeni kartaa Arrintaasi?

Isagii: xukuumaddu waxay tidhaa Bilayska ayuu u xidhan yahay; mase oga in arrintani ay tahay arrin khatar ah marka la eego qiimeynta lagu sameeyo Qaramada; Waxay tani Somaliland ka dhigaysaa waddamada ugu liita xagga xorriyatal qawlka iyo dimuqraadiyadda; malaha ma oga mise way is yeel-yeelayaan; goor dhow marka la yidhaa Local baa tihiina way ka xanaaqayaan!!!; ma soconayso bileyska ayuu u xidhan yahay iyo adeer baa loo yahay; ma aha waxaasi shuqul dawlo. waar meesha ha innagu kharribina; waxa sidan u dhaqma kuwa ku shubta doorashooyinka;!!!.

Wariye Moge: muxu keeni karaa erigii la idinka eryay Xisbiga Kulmiye?

Aan idhaahdo mar kale: ma sahlana; waxan ogahay in ay u haystaan iyagu wax fudud; hadday ogyihiin dhibcaha kaga go’aya ama ay ku waayayaan marka xisbul xaakimku u dhaqmo sidaas oo kale, hadday ogyihiin, runtii may sameeyeen sidaas; macal asaf xukuumadda oo kaliya ma aha, ee waddanka oo dhan ayaa dhibco badan ku waayaya, taayada iyo ta abwaan Abees ba; iyagu waxay is leeyihiin ma xisaabsana; alla yaa u sheega, hadhow bay ka xanaaqi Local baa tihiin!!!

Waxan ugu baaqayaa cidda ay khusayso in abwaanka da’da yar dhaqso loo sii daayo, maxaa yeelay, habeen kasta oo la sii haysto dhibco ayuu luminayaa waddanku; waxa laga yaabaa in loo fikirayo sidii siyaasi dhaqameed ku xisaabtamaya inanka adeer baa loo yahay!!; waxasi ma aha shuqul dawlo; waa tii aan yaabay angiuba markii la i yidhi adeer baa laguu yahay, ee wasiirka iska ilaali (hadda ma aha wasiir ku xigeenka); Waxaasi ma aha shuqul dawlo; minsiter is minsiter and Dg is Dg in the government!!!.

Waa suuragal in lagu soo ololeeyo wax caynkaas u eg marka la isticmaalayo Qabiilka siyaasiga ah (political tribe); laakiin lama ogola in wasaaradaha lala soo galo iyadoo oodahaas la jiidanayo!!! Dg is Dg; no more politics in puplic offices; policy (not politics) do matter in public offices; if you ever have thought the difference between politics and policies and where each of them do fit in!!!; halkaas aan ku joojiyo; Walaayaal, waxbarashadu waxay ku fiican tahay inta aan madax la noqon!!; تعلمو قبل ان تسودو; ma Cumar buu ahaa Saxaabigii sidaa yidhi!!!; ma jiro qof wax kasta baran kara, ee waxan u jeedaa asaasiyaatka (the basics); la taliyayaal baa ku anfacaya inta kale!!!

QALINKII; Prof Cabdi Cali Jaamac; Maamul wanaagga iyo Ilaalinta Xorriyatal Qawlka!!

 

COMMENTS
LINKS