Somaliland Ma Guur Guurto Mana Guhaado Ruux Maalay, Ladnayaystay Inaad Tidhaah Lur Iyo Waa Kuu Lugooyo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Ma Guur Guurto Mana Guhaado Ruux Maalay, Ladnayaystay Inaad Tidhaah Lur Iyo Waa Kuu Lugooyo!
February 22, 2019 - Written by Editor:

Laba nin oo saaxib ahaa ayaa waxay kala maqnaayeen in muddo ah. Kadib waxay iskaga hor yimadeen meel wado ah. Markasay isku naxeen farxad darteed. Midbaa salaamay ninkii kale ee saxiibkii ahaa, wuxuuna ku yidhi: “Saaxib ii waran”. Kii kale ayaa ugu jawaabay: “Nabad saaxib”. Markale ayuu ku yidhi: “Saaxib Aabo iiga waran?”. Wuxuu isla markiiba xasuustay inuu Aabihii dhintay. Wuxuu is yidhi saxiibka waad ka naxisee ubadal su’aasha…! Wuxuu yidhi “Saaxib Aabo wali ma xabaashii ayuu ku jiraa?”. Kii kale ayaa gartay oo is yidhi saaxiibkaa waxba haka nixinee wuu qaldamee. Wuxuu ugu jawaabay:

“Saaxib mayee wuxuu u guuray xabaal ku xigata…!

Anigu shakhsiyan waxaan ahay qof wadaniyadu ku dheertahay Oo waxaan garanaya qurbaha lagu dhashu xanuunkeeda iyo qariibnimadeeda, waxaan garanayaa in markasta aad ka tahay qof ku dheeraad ah laakin taa waxaan kaga baxaa mar kasta baahida iyo kalsoonida iyo taageerada aan qabo una hayo dalkayga iyo dadkaygaba waligayna aana ku doorsaniynin wadan kale ama qurba nacas danbe….!

Waxaan baryahan danbe layaabay dadkii qurbaha joogay ee laga rabay inay iyagu hormood u noqdaan wadankoodi iyo bulshadoodi ayaa maalin walba iyo goob walba naxli iyo caadifad la fadhiya baraha bulshada iyo qurbahaba…! Waa ayaan darro weyn runti aadna looga xumaadu in lakala saari kari waayo Qaranka iyo Qurbaha ahamiyada ay qofkasta ku leedahay…..!

Waxaan ka sii yaabay dadkii ku dhashay dhulka hooyo ee iyaga Oo wayen qurbaha soo galay ayaa maanta qarankoodi dhaawac iyo propogaandada ku haya baraha bulshada, Oo meel walba la fadhiya Somaliland ma jirto iyo Somaliland looma dhama….! Waxaan leeyahay dadkaas waar ma qurbaha loo dhanyahay haddaa…!

Waxaanu maanta qurbaha daganahay 27 sano waa intay Somaliland jirtay: Maxaad maanta dheertahay qofka Somaliland dagan ama ku nool….!

Waxaad dagantahay qurbaha 27 sano u wali magac kuma lihid gaar kuu ah kuu qalma u waxaad ku diiwaan gashan tahay ( Qaxoonti ) waddanka soo dagay walibana midab takuur lagugu hayo dhinaca diinta, midabkaaga iyo jinsiyadaada….! Ama PHD hayso ama dhalashada ogu saraysa haysoo waxaad tahay BIDOON…..!

Waxaad dagantahay qurbaha 27 sano, cadaalada la sheego miyaad aragtay Oo aad maqashay…! Caruurti ku dhashay ee ku kortay ayaa la yidhaada wadankaagi ku noqo macadal waa adiga o qof weyn ku imid qurbaha….!

Walaalo qof waliba dalkiisa ayoo magac iyo sharaf ku leeyahayee, danta guud aan ka wada shaqayno oo aan iska dayno caadifada beenta ah…! Anigu waxaan qiraya qabyaaladi ma jirto ee waxa jirta nolosha inaan layso qoodhin, Somaliland nabada oo ilaahay siiyay kuna mutaystay way u qalantay waanay u soo halgantay ee qofki maanta ku soo toosay jirtitaankeeda taariikhda dib u raac guusheedana soo raac.

Haduu galabtaba xor yahay gayigii

Wallee ma gabee guullow mahadaa

Allow ku gargaar gayiga nabadoo

Dadkana garan sii lib iyo gobinnimo…!

Qalinkii; Amb Samia Muse

COMMENTS
LINKS