“Villa Somaliya Been Bay U Sheegtay Shacabkeeda!!Qalinkii;Maxamed Aadan Tarabi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Villa Somaliya Been Bay U Sheegtay Shacabkeeda!!Qalinkii;Maxamed Aadan Tarabi.
February 23, 2019 - Written by Editor:

Villa Somalia been bay u sheegtay shacabkeeda. Qoraalkii ka soo baxay wuxuu u dhignaa in Abo Axmed uu Soomaalilaan amar ku siiyey inay Federaalka hoostagaan. Waxase is weydiin mudan. Abi Axmed ma samayn karaa sidan? Miyaa laysku ciyaarayaa?

Wada hadla oo wada hadla macnaheedu maaha isku biira oo midooba. Annaga laftarkayaga ayaa leh wada hadla.

Dhanka kale Somalia iyo Ethiopia ama Heshiiskii Mingeste iyo Maxamed Siyaad Barre ee uu hoggaaminayey Wasiirkii arrimaha Dibadda ee Ethiopia Burhanu Bayo wax ugu muhiimsanaa saddex qodob.

  1. In Jabhadda SNM Ethiopia ka joojiso taageerada ay siiso.
  2. In Goldogob iyo Balanballe oo Amxaaradu qabsadeen ay adduunyadana u sheegeen inay qabsadeen dhul ka maqnaa ay ka baxaan.
  3. In Maxaabiista laysu sii daayo.

Mingiste waxa ciidamadiisu ku jabeen Gobolka Ereteriya oo wuxuu aad ugu baahi qabay inuu 90-kun oo askari oo ka joogay dhulka Soomaalida ee Itoobiya haysato uu kala baxo si uu u gurmad ugu diro ciidamadiisa Ereteriya ku jabay markaas.

Wuxuu aqblay Mingeste inuu joojiyo taageerada uu siiyo jabahadda SNM. Iyo Inuu aqbalo waliba si hoose oo qarsoodi ah oo aan la shaacin inuu ka baxo Goldogob iyo Balanballe. Sida uu sheegay Amb. Axmed Aadan Qaybe oo ka mid ahaa guddidaas.

Maxamed Siyaad Barre SNM wuxuu ku baddashay inuu Mingeste u oggolaado dhulkii Soomaaliyeed ee Itoobiya xoogga ku haysatay.

Sidaasna dhulkaasi uu Itoobiya ku noqday muran la’aan.

1982 ayuu Mingeste ku guuldarradiisanyaa inuu mideeyo SNM iyo SSDF. Maanta inuu Farmaajo Ethiopia miciin bido waa tijaabo aannu hore u soo aragnay oo aan nagu cusbayn.

Farmaajo, Kenya ma ka yeeli doontaa inay Badda Somalia u soo celiso sidii Mingeste u soo celiyey Goldogob iyo Balanballe waliba si qarsoodi ah? Laakiin Maxamed Siyaad Goldogob iyo Balanballe wuxuu ku baddashay in SNM la cidhibtiree, Farmaajo ma Jubbaland buu Kenya siinayaa?

Taariikhda Soomaalilaan may dhicin in Itoobiya farta meel ugu tilmaanto. Muuse Biixi hadduu taas la gole yimaaddo Xarshin buu ku noqonayaa.

COMMENTS
LINKS