Dheefta Cilmigu Ha Ku Dhaxalsiiso Garasho: Qalinkii;Cabdifataax Xuseen Ducaale, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dheefta Cilmigu Ha Ku Dhaxalsiiso Garasho: Qalinkii;Cabdifataax Xuseen Ducaale,
February 24, 2019 - Written by Editor:

Aqoonta Iyo waayo aragnimadu waa dheefta iyo midhaha laga goosto barashada cilmiga. Cilmiga ama aqoontu waa sheyga kaliye ee aadamaha haga kuna gaadhi karto guul adduunyo iyo mid aakhiraba, waa wada iyo tooshka u iftiimaya noloshiisa, kuna dhiso mustaqbalkiisa iyo aayaha bulshada uu la noolyahay.

Jahliga ama aqoon darradaduna waa cudur xun, kaas oo kuu horseedi kara in aad ka hadho bulshada inteedii kale. Cilmiga iyo aqoonta siyaabo badan ayuu qofku ku helaa, ha ahaato mid maadi (schooling system), mid waayo aragnimo iyo kan ugu qiimaha badan ee waxyiga Alleh (sw), quraanka kariimka ah iyo sunada, axaadiista ah mid sharciya waajibna ku ah qokasta oo aadama ah, sidaad doonto ku heloo wax la isku waafaqsanyahay in aqoontu faa’iido dhaxalsiiso aadmiga haba yaraate.

Cilmiga faa’iidada leh adduunka isagaad ku heshaa magac iyo sharaf, Akhirana isaga ku gaadhsiin kara Jano, waayo Cilmiga sharciga ah dadka leh waa ka Illaahay u dhaweeya, ugana marag kaca in ay Illaahay si dhab ah uga baqaan. Illaahay ayaa quraankiisa ku yidhi “miyey siman yihiin qof aqoon leh iyo qof aan aqoon lahayn.” Qofka aan cilmiga lahayni ma aha qof meel fog wax ka arka laakiin qofka aqoonta leh meel fog ayuu wax ka arkaa oo ka saadaalin karaa.

Waxaa kaloon isku waafaqsanahay in aqoon la’aani ay tahay iftiin la’aan, dhamaan dadka dunida ku noolina waxay kukala suganyihiin xaalado aad u kala duwan dhanka nolosha ah, sidoo kale waxaan oganahay in dunida maantu u qaybsantahay qaybo ku waaso ku kala duwan waxkasta. Wadamada dunida horeumartay iyo ku dib u dhacay waxa kala fogeeyay waa waxbarashada iyo dhanqaalaha taasoo ay uga faa’iidaysteen qaabkii loobaahnaa. Sida ku cad odhaahdii Allaha u naxariistee abwaan Cabdilaahi suldaan (Tima-cade) waxa uu yidhi  subagii cilmiga laga lulaybay sare u heensheene

                Raguse hooyo soowada mar oo aabo loo sumadiye

                Sideenaa sagaal lagu dhalee inagama sidig waynayn.

Wuxuu tilmaamayaa in wadamada horeumaray ay dhaxleen oo ay dhadhamiyeen faa’iidada cilmiga iyo aqoonta isagoo ka markhati kacaya in ay dadaaleen, wadama aadka looga qadariyo waxbarashada waxay gaareen horumar la taaban karo halka wadamada aan laga danayn waxbarashada ay yihiin kuwa aad u danbeeya marka dhinac kasta laga eego. si la mid ah sidaas waxaa aad ku kala duwan dadka waxbarta iyo kuwa aan marna qiimayn waxbarashada.

Waana dunida hormartay iyo dunida danbaysa. xaqiiqda dhabta ah ee dunida u kala qaybisay sidaas ayaa ah waxbarashaduna ay ugu kaladuwan yihiin wadanba wadankale ugu duwanyahay.

Aqoontu waa sheyga kaliya ay dadku ay ku horumari karaan waxana lagama maarmaan ay u tahay nolosha beni’ aadamka marna masimano qof aqoonle iyo qof aan aqoon laheyn.

Waxbarashada waa aasaaska nolasha waxaana lagama maarmaan ah inuu qofka waxbarto si uu u noolaada, waxaad ka dareemikartaa xaalada miyiga dadka kunool waxaa waalidka caruurtiisa uu baraa ugu yaran sida wax loo tacbado ama xoolaha loo raaco maxaa yeelay waxay cadaynaysaa in uusan qofka noolaankarin ilaa uu waxbarto wuu noolan kara laakin ma ahan mid uu asaga ku qanacsanyahay noolashiisa.

Qofku wuxuu nolol sharaf ah oo farxad ay ku dheehantahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo. sidoo kale dal wuxuu ku horumari karaa oo kaliya marka ay jiraan dadkii horumarin lahaa, dadkuna waxba ma ay qaban karaan hadii aysan jirin aqoontii ay wax ku horumarin lahaayeen, waana taas sababta kaliya ee dalalka dib u dhigtaa.

Faa’iidada ay waxbarashada u leedahay qofka bani aadamka ah ma ahan mid lagu soo koobi karo qoraal iyo wax la mid ah. Sidoo kale waxaan si fudud u sharixi karnaa si ay dadku ay u fahmaan qiimaha ay leedahay aqoonta waxa ugu wayn ee ay waxbarashadu keeni karto in ay tahay horumar dhinackasta ah, khaastan dhinaca maskaxda oo ah runtii waxa ugu qaalisan ee uu qofku heli karo.

Dhamaan noocyada kale ee hormarka waxaa sal iyo asaas u ah horumarka maskaxda. oo hadii la waayo ay aad u adkaan doonto in lagu riyoodo wax uun horumar ah. Aqoondarida ama jahliga ayaa ah cadowga ugu wayn ee uu qof yeelan karo inta uu noolyahay, jahligu wuxuu qofka u diidaa markasta in uu ka fakaro waxa dantiisa ah, sidoo kale aqoon la’aantu waxay dadka dhaxalsiisa in ay garan kari waayaan siyaabaha fudud ee loo noolaan karo.

Markasta oo uu jahligu bato waxaa aad u adkaada nolosha, sidoo kale waxyaabaha laga dhaxlo aqoon la’aanta waxa ugu daran in dhamaan dadku ay ku mashquulaan wax aan marnaba dan ugu jirin, sida in lagu xiiqo wax aan la fahamsanayn.

Hadii aad u kuur gashid dhamaan dalalka gaaray horumar la taaban karo, waxaa kuu soo baxaya in ay waqti iyo hanti badan galiyeen sidii ay wax ku baran lahaayeen. tusaale ahaan dalka aynu jaarka anahay ee Ethiopia wuxu awooda saara waxbarshada isagoo jaamacadaha iyo school ladaba bilaash ka dhigay taasi waxay dhaxalsiisay in dadkiisu aad u qadariyaan aqoonta, waana taas sababta ay Ethiopia u noqotay mid kamida dalka ugu horumarsan dhinaca waxbarashada geeska Afrika.

Akhriste waxan is waydiin karaa waxbarasho noocee ah ayaa lagu hormari karaa, hadii aan si fudud uga jawaabno su’aashaas waxaa malaha lagu soo koobi karaa in nooc kasta oo waxbarasho ah ay kaalin wayn ka ciyaari karto horumar ka dhankasta oo aynu u baahanahay.

Hadaba waa in aynu ku dadaalnaa ubadka, dhalinyarada iyo qofkasta oo rabo inuu waxbarto waa in lasiyaa fursad ay ku baran karaan cilmiga ay markaas jecelyihiin in ay bartaan ama maadooyinka ay ku fiicanyihiin.

Waxaan kaloo dhihi karnaa hormarka ugu muhiimsan ee uu qofku ka dhaxli karo waxbarashada ayaa ah xoriyad xaga maskaxda ah qof kasta oo aqoon leh waxuu sameen karaa fakir uu u madax banaan yahay halka qofka aqoontiisa ay liidato uu ku tiirsanyahay.

Marwalba fikirka ama aragtida dadka kale. Sidoo kale qofka aqoonta leh wuxuu si sahlan ku curin karaa aragti ama fikrad horumarin karta nolosha dadka guud ahaan ama noloshiisa gaar ahaaneed. Aqoonta dhabta ah waxay dadka siisa kalsooni buuxda, kasloonidana waxay qofka u fududaysaa in uu si hagaagsan u guto waajibaadka ka saaran nolosha.

Sidoo kale aqoon la’aantu waxay ku beertaa nafsada qofka in uu ka baqo wax kasta oo ku cusub noloshiisa, taaso mararka qaar laga yaabo in uu kala horyimaado waxkasta oo horumar keeni kara diidmo iyo baqdin is barkan, fariinta ugu wayn ee ay aqoontu xanbaarsan tahay ayaa ah isbadel dhinac kasta ah oo taabanaya qaabka loo noolyahay markaas. Markasta oo ay aqoontu kororodho waxaa badanaya isbadalka xaga nolosha ah. Markasta oo uu isbadel jiro waxaa fududaanaya in la horumaro.

Aqoonta ama waxbarashada ayaa ah hanitida kaliya ee ay da’ayerta dhaxli karaan si ay u sii horumariyaan nolosha markaas lagu sugan yahay. Hadii ay dhalinyaradu dhaxlaan jahli ama aqoon daro waxaa mugdi aad u wayn galaya mustaqbalka iyo horumarka aan hiigsanayno.

Aqoontu waxay dhistaa guri aan tiir laheyn jaahinimada ama aqoondaridu waxay bur burisaa guri sharaf iyo barwaaqo ay kunool yihiin dadkiisa.

Ugu danbeentii waxaan idinleeyahay aqoontu waa iftiin ama nuur jahligu waa mugdi aynu ku daadaalno waxbarashada si aynu ugaarno horumar looriyaaqo iyo bulsho caafimaad qabta.

W/Q: Abdifatah Husein Dualeh

Email: Fatax330@hotmail.com

Gabiley,Somaaliland.

 

COMMENTS
LINKS