Nin diyaarad ku afduubtay qoriga ay caruurtu ku ciyaarto | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin diyaarad ku afduubtay qoriga ay caruurtu ku ciyaarto
February 25, 2019 - Written by Reporter:

Nin rakaab ahaa oo afduubtay qof kamid ah shaqaale diyaaradeed kuna hanjabay in uu xoog ku gali doono qaybta diyaradda laga hago ayaa la xaqiijiyey in uu sitay qoriga ay caruurtu ku cayaarto. Diyaaradda ayaa kasoo duushay magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh.

Ninkan oo 25 jir ahaa ayaa waxaa toogtay booliiska kadib markii ay diyaaraddu si dagdag ah u caga dhigatay.

Dhammaan rakaabkii gaadhayay 148-da qof ee saarnaa diyaaradda Sumadeedu tahay BG147 ayaa si nabadgalyo ah uga soo dagay diyaaradda kadib markii ay soo caga dhigatay magaalada Chittagong.

Masuuliyiinta ayaa goor dambe sheegay in ninkaasi uu “dhimirka la’aa” oo uu doonayey in uu la hadlo Raysal Wasaaraha.

Hawlgal qaatay ku dhwaad 10 daqiiqo, ayaa ciidamada gaarka u tababaran ee Bangladesh waxaa u suurto gashay in ay gudaha u galaan diyaaradda oo ay toogtaan ninkii looga shakiyey afduubka, kaas oo magaciisa lagu sheegay Mohammad Palash Ahmed.

Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda ayaa si nabad ah usoo cago dhigtay

Waxaa looga cabsi qabay in uu sito waxyaabaha qarxa, rakaabka qaarkoodna waxay sheegeen in ay arkeen asagoo buntukh sita.

Hase ahaatee taliye booliis oo lagu magacaabo Kusum Dewan ayaa maanta war qoraal ah ku sheegay in ninka laga shakiyey uu sitay bastooladaha ay caruurtu ku ciyaaraan oo aanay walxaha qarxa ku xidhnayn.

Dambi baadheyaasha ayaa haatan doonaya in ay ka sal gaadhaan sidii ay Ahmed ugu suurto gashay in qorigaas macmalka ah uu ula soo dhaafo ilaalada garoonka uuna la fuulay diyaaradda.

Ammaanka garoomada diyaaradaha ee Bangladesh, ayaa la adkeeyey, waxaana kamid ah garoonka magaalada caasimadda ah ee Dhaka ee Hazrat Shahjalal.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in ninka markii hore la dhaawacay kadibna uu u dhintay dhaawacyadii soo gaadhay.

COMMENTS
LINKS