Tiiri Kaalintaada:W/Q:Abdifatah Hussein Ducaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tiiri Kaalintaada:W/Q:Abdifatah Hussein Ducaale.
February 26, 2019 - Written by Editor:

Qofkasta oo bali aadan ahi waxa uu nolosha ku leeyahay kaalin muhiima dhinac kasta, illaalinta diintiisa, naftiisa, dalkiisa iyo dhaqankiisaba, hadaba waxan isku dayayaa inaan  si qoto dheer u sharaxo  kaalinta dhalinyaradu ku leedahay bulshadeenan.

Dhalinyaradu waa meesha kaliya laga qaato miqyaaska jiritaanka umadeed, hadii umadaasi dhalinyaradeedu tahay kuwa buuxiyay kaalintii looga baahna bulshadooda, oo ay dhalinyaradasi noqdaan kuwa u fakira dhinaca fiican iyo horumarka, illaalinta diindooda, dhaqankooda, dadnimadooda, jiritaankooda, ka qayb qaadashada technologiyada iyo tartanka wax barasho waxaa layidhaa umadaasi jiritaankeeda iyo mustaqabalkeedu waa mid rajo fiican leh. Dhalinyarada iyo mustaqbal ka ummad kastaaba waxay leedahay madal iyo meel laga maamuuso dhaqankeeda iyo jiritaankeedaba, hadayna taasi jirina waxaa suuro-gal ah walibana hubaal ah, in ay noqoto umad habawsan oo halaysan kuna dhex milanta si fudud umadaha kale, dhalinyarada ayaa laga miisaamaa umada jiritaankeeda iyo hoogeeda.

Haday dhalinyarda iyo ardaydu ay yihiin dad ifafaale wanaagsan leh oo tarminaya hadafkooda iyo hiigsiga ay leeyahiin, qadarinaya aqoonta iyo asluubta suubban ee ay leeyihiin waxa lahubaa in ay horumar gaadhayaan, buuxinayaana kaalintii looga baahna. Hadiise ay xiiseeyaan dhaqanada aan bulshadooda u fiicnayn iyo diintoodaba, sida qaadka iyo sigaarka, qabyaalada, ku dayashada dhaqadama kale oo ay ka jeestaan tacliinta iyo dhaqankooda, asluunta iyo ashaxa waxa la filayaa in ay umadaasi qarka u saarantahay baaba’a iyo balanbal bulsheed. Waxaana taa ka markhaati kacday taariikhda aan bukoon beentana sheegin.

Waxa jira hadaba waxyaabo dhiiri galiya dhalinyarada oo ku hogaamiya wanaaga iyo waxqabadka si ay u buuxiyaan kaalintooda, waxaana ka mida in ay helaan dad wanaagsan oo ay ku daydaan (role model) ah, kana dhigtaan muraayadii ay isku eegi lahaayeen. Waxan hadaba soo jeedinayaa in ay dhalinyaradu noqoto kuwo ka dhisan caqli iyo cilmi ahaanba, isku booriya inay fikiradooda fayaw falgalaan dabadeedna ay soo tuujiyaan nuxurka figradeed ee ay ka heleen maan kooda iyo waayo aragnimadooda ayna u gudbiyaan bulshada inteeda kale. Hadii intaa laga helo dhalinyarada iyo ardayda waxa la hubaa in dhalinyardu noqon doonto dad taariikhdu xusto oo laguxardho qalimaan iyo saxfado kala duwan.

Qofku waxaa uu wax tari karaa marka uu tiisa habeeyo “tiisaba daryeelaa tu kale ku dara” waa odhaah soomaaliyeed, marka uu qofku garto wacyiga iyo waayaha ku xeeran sidii uu u latacaali lahaa, ee uu u la saanqaadi lahaa waayaha bulshada ku xeeran, sidaa daraadeed waa qaaciido kugu ridi karta tubta toosan, illaasho wakhtigaaga, oo xisaabi saacad kasta, miridh kasta iyo ilbidhiqsi walba waxaad faa’iidayso, ku noqo wakhtigaaga bakhayl, maskaxdaada iyo maan kaaga ku hayn sidii ay dadkii adduunkan badalay ku ahaayeen wakhtiga. Waxkhtigu waa waxa kala saara dadka kan geesiga ah iyo kan habayaca ahba, waayo wakhtigu waa nolosha, qofka fahmaana nolosha ayuu fahmay.

Hadaba dhalinyarada waxaan leeyahay hadii aduunka wadan kasataa taariikh baal ka galay, waxa timid xiligii aan ka gali lahayn baalka dahabiga ah ee isku diyaariya oo barta qaabka aan ula loola manayno, ula tartamayno wadamada horeumaray sahayduna waa adiga oo buuxiya kaalinta aad ku leedahay bulshadada cilmiga iyo dhabar adayga oo lagu daro hawkarnimo iyo dadaal aan la hagranayn. Dhalinyarooy waa idinka manta cida laga sugayo in ay wax bartaan, badalaana waalid kooda iyo horumarka dalkooda iyo diintoodaba. Qofna kama marmo in wax loosheego walaw caalim kasta ahaw woo markaa buugani waxa uu dhiiri galinayaa dhamaanba dhalinyarada u fikirta dhinaca fiican (positive) ka ah.

Erayo ka mida maansada galiilyo ee abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (weedhsame): wuxu yidhi:

Qofbaad tahay guri yagleela

Qofbaad tahay gaar ahaantii

Ku gaajo baxoo is keena

Gankaa kuma dheero caaro…

waxaa uu tilmaamayaa in qofkastaaba wax qaban karo horumarna gaadhi karo. Waxa uu kugu dhiirigalinayaa inaad dareento inaad tahay qof jira oo ina Nabdi Aadan (cs) ah, oo wax qabsan kara kaalin kuleh bulshadiisa, hadaba dhalinyaro adaa lagu sugayaa ee tiiri kaalintaada, Halka uu abwaan Cabdilaahi Sulaana uu yidhi …

 

Subagii cilmiga laga lulay

Bay sare u heensheene 

Raguse hooyo soo wada mar

Oo aabo loo sumadiye 

Sideenaaa sagaal lagu dhalee

Inagama sidig waynayn…

 Waxaa uu tilmaamayaa in aan qofna qof caaro dheerayn ee laka dadaal badanyahay. Taa macneheedu waa in wax kaa mancinayaa jirin inaad wax qaban karto buuxina karto kaalintii lagaaga baahnaa insha Allah, dhalinyaro xubno laaban xoolo kuma yimaadane buuxi kaalintaada bulsho, tii waalidkaaga iyo naftaadaba.

 

W/Q:Abdifatah Hussein Ducaale,

Gabiley, Somaliland

COMMENTS
LINKS