Wasiirka Gaashaandhiga JSL Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Sarkaalka Ugu Sareeya Ee Ciidamada Ingriiska Ee Somalia. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Gaashaandhiga JSL Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Sarkaalka Ugu Sareeya Ee Ciidamada Ingriiska Ee Somalia.
February 27, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N  )Kulankani oo saaka ka dhacay gudaha xarunta wasaarada gaashaandhiga JSL ayaa ahaa mid uu wasiirka gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) uu ku qaabilay taliyaha guud ee wasaarada gaashaandhiga ingriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ee fadhigiisu yahay Ethiopia Colonel Matt Munro, oo ay weheliyaan madaxa xafiiska Ingriiska ee Somaliland Stuart Brown, iyo madaxda hayada Axiom Lain Cholerton, Samir Dualeh.

Kulan kani oo saacado qaatay ayaa ahaa mid lagaga wada hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal ee dhanka ciidamada iyo xoojinta taageerada uu ingriisku siiyo Somaliland.

Geesta kale waftiga ayaa soo kormeeray dhismaha cisbitaalka ciidanka oo la wado iyo qaybaha kala duwan ee cisbitaalkii hore oo ay soo indho indheeyeen bukaanada kala duwan ee halkaasi ku sugan.

COMMENTS
LINKS