Laba War Ba Xoog Baan Ula Yaabay!W/Q; Maxamed Haaruun. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laba War Ba Xoog Baan Ula Yaabay!W/Q; Maxamed Haaruun.
February 27, 2019 - Written by Editor:
  1. Ninkii xidhnaa ee Abees baa shirkii Kulmiye tegay ayaa la igu yidhi. Waxa kale oo la igu yidhi madaxwaynaha ayaa baabuur u soo diray, oo u yeedhay! Sidaas baa aan maqlay. Tan dambe micno ma leh, laakiin hadalka qaybtiisa hore weeye midda aasaaska ahi. Hadii uu dameer fuulo iyo hadii uu diyaarad raaco waa isku mid. Ujeedku waa tegista. Isagu ma Kulmiyaha ayuu ahaa awal? Anigu maalmihii la xidhay waxa aan sheegay in la iska sii dayn doono, sheeko mala-awaal ah, oo aan ku tilmaamay in odayaal reerka ahi ay judha ba ku ururi doonaan, oo xaal marin iyo in uu xukuumadda ka aamuso ba ula tegi doonaan ayaanan soo qoray. Imika ma waxa leedihiin waa qaldanayd oo iyada oo odayaal iyo islaamo toona aanay u tegin, oo cidina maslixin, ayuu iska tegay? Boorama inanku muxuu ka doonay? Ma cadayo ayuu keenay? Saw ma cadda in aanu waxba ka dheefin tegistaas, Kulmiye iyo xukuumadda na anu wax u terin oo sidaas qalad kaga yaaraanaynin?
  2. Geesta kale, TV ga bulshada ee Youtube waxa la soo dhigay Muuse oo sababta loo xidhay inanka, iyo soo dayntiisa ba, sidii caadada u ahayd, si ka fog hanaan madaxwayne uga hadlay. “Marka dadka la xidho, anaka laba ulood baa nagu dhufataan…” waa wada maqasheen oo idinku celin maayo! Waxa aanu fahmin, in xidhista dadku ay leedahay sharci loo raaco, midda sharci darada ahi na ay dawladnimada iyo amniga uu sheegaayo ba burburinayso. Waxa ay u egtahay xadhig sharci ah, iyo mid sharci daro ahi in aanay isaga laba u kala ahayn.”

“Booliiska ilaalinta amniga u taagan ma aha in wax laga sheego.” Doodda ah oo runtii aad u liidata ayuu ku celiyay, sababta oo ah dad sidaas leh ayuu maqlay. Booliiska laftoodu hadii ay qalad samaynayaan, oo sharcigii ku tumanayaan, sidee baan wax looga sheegaynin? Meel aan wixi qaldama la sheegayni saw sii xumaan mayso uun. Booliisku ma kitaab masjid dhex yaal baa? Guushiisu waxa ay ku jirtay waanu qaldanay, booliiska iyo hab dhaqankooda na dib u aegis baa lagu samaynayaa, dibn na waxyaabaha qarkood u dhici maayaan. Intaas oo keliya ayuu u baahnaa, laakiin wuu seegay. Guusha marka aan lagu waafajinaynin, sida Muuse oo kale ayuunbaad si fudud u dhaafdhaaftaa. Sanadka iyo siyaadada uu meesha joogay, alla maxaan ogsoonahay goolal waawayn oo si fudud uu u dhalin lahaa, laakiin uu si fudud u seegay, iyo golal u isagu iska dheliyayba!

QALINKII; MAXAMED HAARUUN.

COMMENTS
LINKS