“Mashruuca Balaadhinta Dekedda Berbera Iyo kan Maanta la Dhagax Dhigay Ee Wadada Berbera & Tog Wajaale Waa Laba Mashruuc Oo Runtii Qiimo Wayn U Leh Somaliland”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Mashruuca Balaadhinta Dekedda Berbera Iyo kan Maanta la Dhagax Dhigay Ee Wadada Berbera & Tog Wajaale Waa Laba Mashruuc Oo Runtii Qiimo Wayn U Leh Somaliland”Cali Guray.
February 28, 2019 - Written by Editor:

“Allahayow Waa Mahaddaa Ee Noo Kordhi Oo Ha Naga Dhimin

Mashruuca Balaadhinta Dekedda Berbera iyo kan manta la dhagax dhigay ee Wadada Berbera/Togwajaale waa laba mashruuc runtii qiimo wayn u leh Somaliland, waxna ka tari kara kobcinta dhaqaalaha Somaliland iyo Itoobiya labadaba. Sida aan filayo mashruuca wadadu wuxu hordhac u yahay mashaariicdii hore ay heshiiska ugu galeen Somaliland iyo dawladda Imaaraadka Carabtu ee la xidhiidhay Saldhiga Milatariga. Wadadan in kastoo aan faahfaahin badan laga bixinin,

Hadana waxa laga filayaa inay noqoto waddo cusub oo dhinac gasha tii hore ee jirtay oo iyada lafteedana si buuxda loo dayactirayo si ay markaa wadada Berbera/Togwajaale u noqoto waddo laba haad iyo laba haad oo iswaydaaranaya ah.

Dee waa maansha Allah iyo inagoo nidhaa Ilaahayow Noo Kordhi Oo Ha Naga Dhimin. Insha Allah Somaliland labada sanadood ee soo socda ka dib wax badan Baa iska bedeli doona hadii dhamaystirka qabyada inoo taal la is raaciyo oo horumar isla jaanqaada oo wada socda la gaadho.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

 

COMMENTS
LINKS