“Kor U Kac Iyo Hoos u Dhac, Labaduba Waa Khalkhal, Ee Ha Lagu Fadhiisiyo Boqolka Dollar…..Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Kor U Kac Iyo Hoos u Dhac, Labaduba Waa Khalkhal, Ee Ha Lagu Fadhiisiyo Boqolka Dollar…..Prof Cabdi Cali.
March 1, 2019 - Written by Editor:

Hordhac waraysiga Moge hortii….

Markaad akhrido Waraysiga mala-awaalka ah, fadlan wax ka dheh hal-kudhiggii Baanka ee ku baaqayay in aynu qiimo u yeelno shillinkeena Somaliland; dee, waa kan maanta qiimo yeeshay shillinkii ye, maxaa faa’iido ah ee ku jirta?; immisa ayaan idin lahayn arrinku Probaganda ma aha ee waa arrin cilmiya ee wax dhegaysta; heeso ayaa bay u qaadeen ay leeyihiin shilinkeenu qiimo ha yeesho; dee waa kan yeeshay’e wax ka guro. However, find in the interview below my economic prescription to the current Dollar depreciation!!!

Kor u Kac iyo Hoos u Dhac, Labaduba Waa Khalkhal, ee Ha Lagu Fadhiisiyo Boqolka Dollar Milyuunkiisii!!!!

Wariye Moge: bal ka warran sarrifkan hoos u dhacay?; horta sharci uun baad ka sheekaysaaye, sawdigii macallinka dhaqaalaha ahaa?; bal maanta wax ka dheh suuqa sarrifka?

Isagii: Tan oo kale waan ka digay boqol jeer; waxan idhi dhaqaalaha iyo dadkaba waxa u fiican inuu sarrifku meel fadhiyo; Haddii uu aad u kaco iyo haddii uu xoog u dhaco labaduba waa khalkhal; immika oo kale waxa faa’iidaya Bayacmushtarka (Wan wayn badhi ku shub), maxaa yeelay ascaartii badeecaduna waa halkeedii, sarrifkiina wuu dhacay. Immika boqolkii dollar ee la sarrifo ba waxa meesha ka baxay 10 dollar; taasi dadka iyo dhaqaaluhu ma xammilayaan; dhinaca kalena masaakiintii waxba umay tarin, maxaa yeelay ascaartii waa halkeedii.!!!

Isagii: Wariye Moge; be mindful, I am saying this with authority as professional lecturer of Somaliland Economy subject for two decades; waan ogolahay ciddii iga ga daba dhifanaysa!!!

QALINKII; PROF CABDI CALI JAAMAC; Macallinka Maaddada Dhaqaalaha Somaliland, muddo 17 sano ah

COMMENTS
LINKS