Waari Mayside War Ha Kaa Hadho;Eng Yuusuf Caynab Muuse AHN!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waari Mayside War Ha Kaa Hadho;Eng Yuusuf Caynab Muuse AHN!!
March 1, 2019 - Written by Editor:

Eng Yuusuf Caynab Muuse wuxuu ahaa Hal-door iyo Wadani aan la halmaami karin. Wuxuu ka mid ahaa , Golihii Wasiiradda ee xukuumaddii marxuum Cigaal soo dhisay 1997-kii, isaga oo noqday , Wasiirka Gaashaandhigga ee Somaliland, Wasaaraddaas oo ahayd wasaaradda loogu jecel yahay Wasaaraddaha xiliggaa jiray, uguna dhakhliga iyo dhaqallaha badnayd, maadaama oo ay xiliggaa gacanta ku haysay Midaynta iyo dhismaha Ciidanka Qaranka kadib markii ay dhammaadeen , Dagaaladdii Sokeeye.

Alla haw naxariisto’e Injineer Caynab oo ahaa nin xalaal cun ah waxa lagu yaqaanay Laguna xasuusan doonaa hawlkarnimo iyo musuq maasuq la’aan wixii lacag uu maamulayay waxba kagama leexan.

Waxa dhacday 1998 in isaggoo mudda dheer hawlo ugu maqnaa , Magaaladda Burco , in kiraddii gurigga oo ku raagtay reerkii loo qabsaday , ka dibna Sheekaddii gaadhay Cigaal , dabeeto Marxuum Cigaal ka bixiyey .

Engineerku wuxuu caan ku ahaa is dhul dhigid , iyo shaqo badnaan , inta badana , waxa la arki jiray , Isaggoo dadka iskagga dhex jira , oo aan lagga garanayn .

Marxuum Cigaal oo ka xanaaqsan nin Wasiir ahaa oo la yidhi guryuu dhistay , waxaa lagga hayaa ” Aqoonyahankii Wadanka ee u shaqaynayeyna kiraddii baa loo haystaa ,waanay kabo la’yihiin , innamo yaryarani aqallo waawayn bay dhisanayaan, waxaasi wax loo dulqaadan karro maaha” .

Yuusuf Caynab , waaggii danbe , wuxuu noqday , Wasiirka Hawlaha guud iyo guryaynta , ka dibna waxaa lasoo darsay , Xanuun uu in badan u jiifay , sidaas ayaanu xilkii Wasiirnimo kaga tagay , waagii Riyaale .

Markii dembena wuxuu Jaamacadda Hargaysa , ka noqday Macalin wax ka dhiga Kulliyadda Sayniska ee Jaamacadda Hargaysa .

Marka aanu shaqo lahayn , wuxuu fadhiisan jiray , Maqaaxidda jaamacadda , isaggoo ardayda iskala fadhiisan jiray ,halkaas ayaana aan kula kulmay , dhawr casara aan la fadhiistay .

Sheekooyin badan ayuu iiga sheekayay , wuxuu ii sheegay inuu ka soo baxay , Jaamacadda Michigen University ee Wadanka Maraykanka , waxa kale oo uu sheegay , inuu helay dalabaad badan oo shirkaddaha Maraykanku usoo jeediyeen inuu u shaqeeyo , laakiin uu ka doorbiday inuu aqoontiisa dalkiisa oo u baahnaa uu kula noqday .

ugu dambayn Eng Caynab wuxuu ii sheegay , inaanu weligii ka fikirin inuu xoolo dhaqdo , waxaanu yidhi ” Markii aan yaraa waxaaan ku fikiri jiray inaan aqoon barto , markii aan wax bartayna inaan wadankayga u shaqeeyo , weligay kama fikirin inaan xoolo dhaqdo .

Engineerku waaggaa aanu kulanay , isaggoo Iska xanuusanaya , ayuu , Waxoogay uu jaamacadda macalinimadda kagga qaato , Ciyaalkiisa ku masruufi jiray , Gaadhi ma lahayn , Guri kiro ahna wuu ku jiray .

Ugu dambayn , Yuusuf Caynab maanta ayuu xijaabtay Alla ha u naxariisto.

WQ: Keefkeef Hassen

Ilaahay ha u naxariisto Eng yuusuf caynab oo Dhawaan geeriyooday.

Taariikhdiisa waxbarasho, shaqo iyo xilalkii uu qaranka u soo qabtay iyo kaalintii uu bulshada kaga jiray qoraal laguma soo koobi karo, laakiin waxa aan isku dayi doonaa in qoraalada dambe aan idinkula wadaago in badan oo ka mid ah taariikhdii Eng yuusuf Alle ha u naxariisto e.

 

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS