“Inay Dadku Siyaasiyiinta Ka Horeeyaan Oo Aan Wakhtigan Been Loo Sheegi Karin Waxa Ku Cadeyn ah Su’aalaha Mar Walba Iska Waydiiyaan Hadalada Madaxdooddu Usheegto” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Inay Dadku Siyaasiyiinta Ka Horeeyaan Oo Aan Wakhtigan Been Loo Sheegi Karin Waxa Ku Cadeyn ah Su’aalaha Mar Walba Iska Waydiiyaan Hadalada Madaxdooddu Usheegto”
March 2, 2019 - Written by Editor:

Inay dadku siyaasiyiinta ka horeeyaan oo aan wakhtigan been iyo riwaayad loo sheegi Karin waxa ku cadeyn ah su’aalaha mar walba iska waydiiyaan hadalada madaxdooddu ama siyaasiyiintoodu u sheegto.

Hadii aad aragto qof su’aalo iska waydiinaya arrimo loo sheegay oo iska shaandheynaya waxay marag u tahay baraaruga bulshadda, bulshadaasi lama khiyaamayn karo, wayna ka horeeyaan siyaasiyiintoodda.

Su’aalaha inta badan is waydiinayaan waxa ka mid ah: 1.Saldhiga waa la kireeyey iyo lama kireen ee waddo iyo Madaar baanu ku bedelnay.

  1. Wadaddu waa waddo cusub oo Corridor ah iyo wadaddu tii hore uun weeyi oo dhinacyada uun wax laga raacinayo.

Hadaladaasi iska hor imanaya waxay ka soo wada baxeen xukuumadda uun, laakin waxay ahayd in runta uun loo sheego shacabka siday doontaba wax ha u jiraanne, waayo iyada uun baa hadhow la iskugu imanayaa.

Markii aan su’alaahaasi ku dawakhay ee aan ka jawaabi kari waayey si aan caafimaadkayga u ilaaliyo waxaan iska daartay heesta cusub ee tidhaa “ Dhulkeena bulshooy inaan dhisanaa ninkey dhibaysee cidladda ka dhurmaa midnimo dhimatuu kusii dhagan yahee dhagaha ugu rida inaanay dhacayn”

 

QALINKII BARKHAD LADIIF.

COMMENTS
LINKS