Masuulka Kaliya Ee Si Siman Bulshadda Oo Dhami Ugu faraxday Xilka Loo Magacaabay!Qalinkii;Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuulka Kaliya Ee Si Siman Bulshadda Oo Dhami Ugu faraxday Xilka Loo Magacaabay!Qalinkii;Barkhad-ladiif.
March 4, 2019 - Written by Editor:

Waa toddobaadan jir maanta ay soo gaadhay cadaaladdu oo mudadaasi uu shaqaynayey habayaraatee aan dalacin, halka kuwii ka dambeeyey ee uu isagu tobabaray madax u noqdeen.

Wariye Maxamed Cali Weji oo ka dareen celinaya xilka loo magacaabay wuxu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa madaxweynaha Somaliland ee isagu nidaamka uu wax ku maamulayaa yahay ka aniga isoo gaadhay ee cadaaladdaasi keenay, anigoo u tagin wax ii dhiibin odhan isagu ii gartay inaan halkaasi la ii magacaabo, waxaan leeyahay madaxweynaha halkaasi ka sii wad dad badan oo ila mida jira oo ila aqoonna oo gidaaradda yuurura u yeedho wax ha kula qabteen, wasiirka warfaafinta waxaan leeyahay maanta geed weyn baad beertay ilaahay ha ka abaalmariyee aniga aqoon baad I bidaysaaye ilaahay ha igu asturo.

Sidoo kale, waxa uu u mahadnaqay guddo iyo dibada dadkii ka soo hambalyeeyey ee ku farxay xilkaasi loo magacaabay.

Agaasimaha waxaan kula talinayaa in dhallinyarada faraha badan ee ka hawlgalla Telefishanka ee aan shaqana loo dirin uu hawgaliyo oo barnaamijyo kala duwan loo kala diro si aanay maskaxdu uga fadhiisan, qofku hadii aan shaqo loo dirin wax uu qabtana aanay jirin waxa ku dhaca maskax wareer qofka ku keenta su’aalo badan inuu is waydiiyo sida aad maanta cadaalada ugu heshay xilkan iyagana cadaalad ugu samee oo shaqooyin ku kala qor.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR.

COMMENTS
LINKS