Qof masaasad ku soo qariyay daroogo oo Kenya lagu qabtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qof masaasad ku soo qariyay daroogo oo Kenya lagu qabtay
March 5, 2019 - Written by Reporter:

Qof u dhashay dalka Nigeria ah ayaa lagu xidhay garoonka ugu wayn dalka Kenya isaga oo isku dayaya in uu si qarsoodi ah ula safro daroogo masaasad lagu qariyay, sida ay booliiska Kenya sheegeen.

“Gabadhan oo 25 jir ah ayaa diyaarad u raaci rabtay dalka Talyaaniga marka lagu qabtay garoonka Jomo Kenyatta International Airport ee magaalada Nairobi.” ayay booliisku intaas ku sii dareen.

Wax dacwad ah wali laguma soo oogin haweenaydan.

COMMENTS
LINKS