Shirkad shaqaalaheeda ka dalbatay in ay dalka ammaanaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkad shaqaalaheeda ka dalbatay in ay dalka ammaanaan
March 5, 2019 - Written by Reporter:

Shirkadda diyaaradaha ee qaranka dalka Hindiya ayaa shaqaalaheeda u sheegtay in ay ogaysiis kasta oo diyaaradda laga dhex baahiyo ay ku soo gunaanadaan jumlada wadaniyadda ah ee “Jai Hind” (Bogaadi Hindiya) arrintaas ayaana aad u soo jiidatay dadka baraha bulshada isticmaala.

War cusub oo shirkadda Air India ka soo baxay ayaa shaqaalaha loogu sheegay “in ay wax yar aamusaan ka dibna si dabacsan u yidhaahdaan eraygaas”.

Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaa arrintaas aad uga helay ka dibna aad u dhex waday baraha bulshada.

Balse qaar kale ayaa iswaydiiyay in ahmiyad siinta wadaniyadda ay wax u tarayso shirkadda oo dhaqaale xumo haysato.

Air India ayaa daymo badan lagu leeyahay wax faa’iido ahna ma ayna helin tan iyo sannadkii 2007, dawladda oo isku dayday in ay sheerarkeeda iibisana way wayday wax danaynaya oo ka gata.

Hadalkan shirkadda Air India ka soo baxay ayaa yimid wakhti ay heer sare marayso waddaniyadda dadka Hindida ah.

Hindiya ayayna is hayaan dalka ay dariska yihiin ee Pakistan oo hub nukliyeer ah haysta.

COMMENTS
LINKS