Hal Fure Oo Muhiim U Ah Guushu Waa Kalsoonida, Hal Fure Oo Muhiim U Ah Kalsooniduna Waa Diyaar-garawga.W/Q:C/raxmaan Jeesto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hal Fure Oo Muhiim U Ah Guushu Waa Kalsoonida, Hal Fure Oo Muhiim U Ah Kalsooniduna Waa Diyaar-garawga.W/Q:C/raxmaan Jeesto.
March 5, 2019 - Written by Editor:

Qormadani  waxay  ka  mid  tahay  qormooyinkii  la  odhan  jirey  (Human  Philosophy), Oo  aan  bishiiba  mar  la  wadaago  akhristayaasha  sharafta  leh  ee  qormooyinkayga  ku  xidhan,  Waa  hubaal  biyo-kama-dhibcaan  ah  in  bani-aadamku  u  baahan  yahay  hoge-tus  dhinaca  nolosha  iyo  hadafka  guud  la  xidhiidha,  Fal-celin  badan  ka  dib  waxaan  qoondeeyey  inaan bishiiba  hal  maqaal  oo  falsafada  ku  fadhiya  u  soo  ban-dhigo  macaamiisha  akhrista  fool-goggayga,  Ama  dagalka  aan  ku  leeyahay  bar-kulanka  bulshada

Bacda  areriyo  anba-qaadka  yoolkayga  amin-xaadirtan  aan  uga  gudbo  ubucda  dawaadu  ay  maanta  u  holatey,  Waxaynu  dhamaanteen  u  abuuran  nahay  sidii  aan  Guul  ama  midho-dhal  u  gaadhi  lahayn  qorshayaasha  ku  wajahan  ahdaafteena  kala  duwan  ee  himilo  ahaaneed  Ifiyo  aakhiraba,  Hadaba  si  aynu  isula  garano  guusha “ Waa  Maxay  Guushu??” Sida  aynu  wada  qirsan  nahay  libinta  ama  guushu  waa  shay  uu  naawilo  noole  kastaa  oo  aduunka  oogadiisa  sare  ku  uumani,  Isagoo  dhinacyada  kala  gadisan  ee  nololeed  ka  naadinaya.

Guushu  waxay  noqon  kartaa  riyo  kastoo  uu  kaska  shakhsiyadu  si  gaara  u  daawado  kuna  hamiyo  gaadhitaankeeda  isla  markaana  uu  ka  baaraan-dago  hilinadeeda  san  ee  ay  ku  hir-gali  karto,  Guushu  waa  abaal-marinta  marka  aad  ku  dadaasho  yoolka  mustaqbal  ee  salka  ku  haya  dhinac  walba  oo  nololeed  ama  horu-mareed  oo  qof  hantiyey,  Guushu  waa  kasbashada  badhaadhe  ka  dib  jid  dheer  oo  culeys  iyo  qodxo  leh  isla  markaana  u  baahan  dhabar-adeyg  iyo  Samir,  Guushu  waa  wax  uu  sahadsado  qof  kastoo  aduunka  ku  nooli  waana  laga  wada  siman  yahay  raadinteeda  ama  hiigsashadeeda.

Guushaasi  intaasoo  macnood  leh  ee  muhiimka  u  ah  bani-aadamka  dhamaantii  si  loo  hantiyo  waxay  leedahay  wadiiqo  loo  maro  laguna  gaadho  maalista  danbarkeeda,  Waxay  leedahay  qalab  loo  adeegsado  (Tools  of  success), Oo  kuu  fududaynaya  halka  aad  u  socoto,  kuuna  tilmaamaya  sida  aad  u  soconayso , kuguna  daraya  cida  aad  la  soconayso  macno  ahaan  (Relative Field ), Ama  cida  aad  isu-aragti  hadaf  tihiin, Qalabkaa  salaanka  u  ah  suura-galinta  libinta  ama  guusha  wuu  kala  culus  yahay  waanu  soo  kala  horeeyaa,  Curadkiisuna  waa  waxan  la  yidhaa “ Kalsoonida”.

Kalsoonidu  sidaasi  ayey  ku  tahay  furasha  guusha  ama  muftaaxa  kuu  furaya  albaabka  aad  ka  galayso  hilaadaada  mustaqbaleed, Waa  ta  dhista  qofnimada  ama  baaxada  shakhsiyada  waayo  waa  awooda  ama  adeegaha  ugu  miisaanka  culus  ee  kugu  hagi  kara  waxa  maankaaga  iyo  laabtaada  ka  guuxaya,  Kalsoonidu  waa  iftiinka  kuu  bidhiiqiya  waxa  aad  u  dadaaleyso  ee  ku  dhamaada  birta  garoonka  guusha,  Kalsoonidu  waa  wiishka  ku  dul  dhigaya  libinta  maxaa  wacay  waxaad  si  toosa  u  abaareysaa  halka  aad  danaynayso,  Kalsoonidu  waa  waslad  dahaba  oo  uu  liibaano  qofkii  nasiib  u  helaa.

Kalsoonida  laf  ahaanteedu   waxay  leedahay  fure  ama  meel  laga  daaro  isla  markaana  ay  ka  shidaal  qaadato  si  ay  u  hir-gasho,  Furahaasina  waa  “Diyaar-garaw”, Kaasi  la,aantiina  kalsooni  ma yeelan  kartid,  Tusaale  ahaan  hadii  aad  wax  doonaysid  ama  himilo  kuu  calaamadsan  tahay  oo  aanad  diyaar u  aheyn  ku  dhaceeda  ma  gaadhi  kartid waxaad  calaamadsatey, Waayo  ku  dhacu  waa  kalsoonida  laguu  sheego  hadii  taasi  meesha  laga  waayana  in  badan  baad  ka  sii  siqaysaa  guusha  iyo  aga-gaarkeeda ku  darsoo  waxaad  tahay  uun  iska  qorsheyste  aan  fulin  waxba.

Inaad  diyaar  u  ahaataa  hadafkaaga  waa  qurxinta  kalsoonida  yadna  waxay  sii  dhalaysaa  guusha  hanashadeeda,  Aduunyada  shay  kastaa  sidaa  ayuu  u  leeyahay  waalid  ama  meel  uu  ka  soo  farcamo  sida  ay  guushu  uga  soo  farcantay  kalsoonida  iyo  diyaar-garawga  ujeedkaaga,  Ma  jiro  wax  iska  bilaabmaa  ama  aan  lahayn  jid loo  maro  mana  xaqiri  karno  wax  kasta  dariiqa  loo  maro, Hadba  intaad  tahay  diyaar  tahay  waa  intaad  kalsooni  soo  ban-dhigi  karto , Intaad  kalsooni  soo  ban-dhigi  kartaana  waa  intaad  guulaysan  karto.

Guuleystayaashu  waa  kuwa  jidkan  soo  mara  oo  soo  abaabula  ka  gun-gaadhiga  himiladooda  ugu  danbayna  waxay  ku  soo  biyo-shubataa  meel  dareen  wanaagsan  iyo  daruur  ku  hoorta  halkii  haraadka  qabtey,  Guulaystuhu  wuu  noqdaa  markuu  guulaysto  deegaan  hara-digeed  ah  oo  hadhuubkiyo  caanuhu  haamaha  uga  buuxaan,  Doomidka  waqalkaasina  waxa  uu  ka  marag  kacaa  jidkaa  uu  soo  marey  isla  markaana  leh  tabaca  iyo  tamarta  san,  Hadaba  mar  jidadkan  oo  kale  oo  hanti  guul  ama  libin.

Source:  Abdul  Kalam.

Qalinka: C/raxmaan  Sayid  Faarax (Jeesto).

Diplomatic  Analysts.

Gabiley/Somaliland.

COMMENTS
LINKS