Jarmalku Mashaariiicda Ay Wadaan Iyaga Dabagal Ku Haya Si Aanay Cashuur Bixiyeyaashoodu Waxay U Bixiyeen U Khasaarin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jarmalku Mashaariiicda Ay Wadaan Iyaga Dabagal Ku Haya Si Aanay Cashuur Bixiyeyaashoodu Waxay U Bixiyeen U Khasaarin.
March 6, 2019 - Written by Editor:

Garmalku Hawl fiican oo Isla Xisaabtan leh iyo Dabagal leh bay ka Wadaan Mashaariicda ay Dalka ka Wadaan, Cashuur Bixiyeyaasha Shacabka Reer Jarmal Waxay Somaliland Galinayaan biyo qaybinta Hargeysa iyo mashruuca qashinka qoyan loo maamulo, waxaana labadaasi mashruuc ku bixi doonna 48milyn oo dollar, waxaana ka faa’iidaysan doona ugu yaraan afar boqol oo kun oo qof.

Mar hadii ay dhawr jeer biyo balaadhintu fashilmay hadda iyaga loo madax banaaneeyey inay hawsha fuliyaan, haday tahay shirkadda shaqadaasi qabanaysa oo jarmal ah iyo iyagoo lacagta bixinaya oo dabagal ku haya siday shaqadu u socoto, inay tahay sidii loo qorsheeyey iyo in kale.

Sidoo kale, wadada Hargeysa iyo Kala baydh oo ay ku bixi doonto afar milyan oo dollar, waxa bixinaysa dalka Jarmalka, iyaga la xisaabtamay shirkadii qandaraaska ku heshay, marka Killomitir la dhisaba Engineeradooda qiimaynaya baa ka eegaya inay sidii lagu heshiiyey ee tayada lahayd u wadaan iyo in kale, hadii khalad yar ku arkaan ama ka gaadhsiin ah inay burburiyaan ayey ku amrayaan in dib loogu noqdo, nooca ay doonayaan iyo qaabka iyo tayadda ay la rabaan iyaga kula heshiiyey shirkadda dhisaysa, habeen iyo maalinba way ka eegayaan, iga qalee iyo farsoomaali waa la iskala baxay waxa lagu heshiiyey waa fuli hadii kale meesha ka bax.

Waar dalka Sanad ma u yara dhiibnaa qolooyinka cadaanka ah oo marka ay inoo dhisaan waynu kala wareegi doonaaye. Sida Baanka Dhexe ee Soomaaliya aynu madaxweyne ka soo ergisanno reer Yurub si kale horumar ku gaadhi maynee.

 

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR.

 

COMMENTS
LINKS