Wakhtiyada Ugu Fiican Ee Wax La Akhristo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wakhtiyada Ugu Fiican Ee Wax La Akhristo!
March 6, 2019 - Written by Editor:

1: Salaada subax ka dib ( xiligan waxad heli kartàa hal saac oo Aad waxbadan ku akhrisan karto kadibana aad isku diyaariso Aadida goobtaada waxbarasho.

NB: ha Ilowin Inaad soo kacdo Salada subax ka Hor hal saac inta aan la tukan kadibna sunayso oo alle bari na akhriso kitaabka Quraanka kariimka ah.

2: 4:00-6:00 oo galabnimo ( waa wakhti ku fiican wax akhrinta balse waxaa wanaagsan markad 1:00 oo duhurnimo ka timaado Goobta waxbarsho inaad seexato si galabti adigo faresh ah aad wax u aqrisato).

3: 8:00—11:00 fiidnimo (waa xilli ku wangsan wax aqrinta waayo waa xilli buuqa guriga yaraatay oo aad wax aqrinta aad u bogayso.

N:B Inta u dhaxayso Salaada maqrib iyo salaada cisho waqti sii qoyskaaga lana cashee).

Isku soo wada duubee Waxaad wax aqrisatay LIX SAACADOOD.

Iska jir inaad wax ka aqriso laabtoob/kumbiyuutar ama mobile/tap waayo waxaa suura gal ah in:

  • iftiinla ka soo baxayo inay hurdo kaa keenan ama ay ku caajis galiyan.
  • laabtobka ay ku juraan aflaan aad xiisayso kadibna aad iska daawato.
  • mobilka adigo wax ka aqrosanayo waxaa macqul noqon karto in mesenger whtsapp imo qof kala soo hadlo kadibna aad qofkaas ku mashquusho.

Waxaa jiro waqtiyo ay aad ku anfacayn inaad aaladahan wax ka aqristo :

□ waa markaad gaari saaran tahy oo aad u socto goobta wax barsho ama u socto guriga.

□ xiliga breaktime ka ee goobta wax barasho.

□ markay baaqato xisad aad ku soo tala gashay ee goobta waxbarsho .

□ imtixaanka oo ka dhiman waqti yar oo aad isha marinayso waxaad horey u soo aqrisaty.

□ IWM

Waqti walba wax wax waad aqrisan kartaa waa hadii ay jiraan wax ku riiixayo ama kugu dhiiri galinayo,

Tusaale ahan.

♤ Imtixaanka oo soo dhaw

♤ Pressentation laga rabo

♤ Hadii aad xifaaltan kula jurto qof kula galaas ah

♤ Maseer

♤ Saaxiibkaga oo hortaada wax ku aqrisanayo

♤IWM

MAR-MARSIIYO MALAHAN WAX AQRINTA

◇MEEL WALBA WAX WAD KU AKHRIN KARTAA◇

Muhiimadu waa inaad dhug u leedahay waxaad Akhriyayso.

Waa Iga waano DANTAADA ADAA YAQAAN.

QALINKII; CUMAR MAXAMUUD GAHAYR.

 

COMMENTS
LINKS