Sawkan Sarrifkii Soo Kacay, Ma Idinkaa Haddana Qiimo Riday Shillingkii Somaliland; War Saxaafadeed Kale Maxaad U Soo Saari Waydeen? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sawkan Sarrifkii Soo Kacay, Ma Idinkaa Haddana Qiimo Riday Shillingkii Somaliland; War Saxaafadeed Kale Maxaad U Soo Saari Waydeen?
March 6, 2019 - Written by Editor:

Sida Aynu la wada socono dib ayuu u soo kacay sarrifkii doolarka. Haddaba waxa is weydiin leh kuwii lahaa annagaa doolarka jabinay, immikana ma iyagaa kor u qaaday; teeda kale ganacsatadii ay lahaayeen alaabta jebiya, haddii ay jabin lahaayeen saw may khasaareen!!!

Sidii Caadada u Ahayd halkii uu Gaadhay kor buu uga soo kacay, manuu gaadhin halkii uu markii hore ka soo dhacay; waxay u egtahay inuu halkan ku yara negaanayo in muddo ah, haddii aan wax kale dhicin; hoos u dhacan ku yimi sarrifka waxa doorkan loo aanayn karaa mushaharka oo dib u yara dhacay iyo guud ahaan kharashkii dawladdu gali jirtay oo hoos u dhacay!!!!

Waxa idin seegtay in aad muddo yara eegtaan, inta aanad soo saarin war-saxaafadeed, ganacsatada na aanad farin in ay badeecadda jabiyaan, isla Markaana aanad ku faanin wax aanad adigu u kasin in ay sidaa dhacaan; inkastoo anigu aanan u haysan ba wax wanaagsan in sarrifku hoos u dhaco, maxaa yeelay waxan ogahay in uu dib u soo noqonayo; dee, haddii hoos loo dhigayo, laakiin la hubo in uu halkaa joogayo ama lagu hayn karayo, waa arrin fiican in sarrifku hoos u dhaco; laakiin waxan ogahay in aynaan taas awood u lahayn; bal, haddii adigu aad hoos u dhigtay sarrifka, bal ku hay halkii hoose ee uu maalintii dhawayd gaadhay; faan waynaa, Alla maxaad is Hafraysaa!!!

QALINKII; PROF CABDI CALI JAAMAC ; Dhaqaalaha iyo Sarrifka.

COMMENTS
LINKS