Siday Kylie Jenner ku noqotay bilyaneerka ugu da’da yar adduunka? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siday Kylie Jenner ku noqotay bilyaneerka ugu da’da yar adduunka?
March 7, 2019 - Written by Reporter:

Qoyska lagu magacaabo Kardashian ayaan mar walba fadeexad ka dhammaanin

Balse markan ma aha fadeexaddii hore looga bartay qoyskan ee qabsan jiray warbaahinta.

Waxay ku saabsan tahay gabadha lagu magacaabo Kylie Jenner oo ka soo jeeda qoyskan, taasoo noqotay bilyaneerka ugu da’da yar adduunka.

Jenner ayaa aqoonsi caalami ah ku heshay barnaamijka qoyskeeda.

21-jirtan ayaa aasaastay isla markaana leh shirkadda Kylie Cosmetics, taasoo saddex sano jirtay, sanadkii horena iibkeeda lagu qiyaasay 360 milyan oo dollar.

Kylie Jenner

Waxay bilyaneernimada ka hor gaadhay milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg, kaasoo bilyaneer noqday isagoo 23 jir ah.

“Waxba ma aanan fileyn, iimana muuqan mustaqbalka noocan ah”, ayay tidhi Kylie.

Kylie ayaa sheegtay in waalidkeeda oo lagu kala magacaabo Kris iyo Caitlyn Jenner ay markii ay 15 sano gaadhay u sheegeen inay hanti ay leedahay ay tabcato.

Kylie ayaa sheegtay in waalidkeeda oo lagu kala magacaabo Kris iyo Caitlyn

Aasaasaha shirkadda Amazon, Jeff Bezos, ayaa ah ninka ugu taajirsan adduunka, waxaana uu haystaa 131 bilyan oo dollar.

Tirada bilyanneerada caalamka ayaa hoos u dhacday sanadkan oo waxa ay noqdeen 2,153 qof, halka sanadkii 2018 ay ahaayeen 2,208 qof. Dhammaan bilyaneerada liiska ku jira 252 oo keliya ayaa dumar ah.

Liiska maalqabeennadaasi waxaa ku jira 52 muwaadin oo u dhashay UK, waxaana ugu sarreeya walaalaha Hinduja, Srichand iyo Gopichand oo haysta adduun lacageed oo lagu qiyaasay 16.9 bilyan oo dollar.

Kylie Jenner

“Waxa ay ku soo caanbaxday oo ay hantida iyo aqoonsigaba ku heshay waa magaca qoyskeeda. Waxaa u sahlan oo ay helaysaa fursado badan, xidhiidha wanaagsan oo u hirgeliyey inay noqoto bilyaneerka ugu da’da yar adduunka.” Ayuu yidhi Samuel oo ah weriye.

“Aqoonsiga, hantida iyo ganacsigeeda ayaa ahayd mid la hubay inay hirgelayso ka hor inta aysan billaabin.”

Siday Jenner hantidaan ku samaysay?

Jenner, iyada oo 10 sano jir ah ayey ku soo biirtay barnaamij taxane ah oo telefishinka ka bixi jiray oo lagu soo bandhigo nolosha qoyskeeda.

Muddo 10 sano ah kaddib, waxa ay noqotay qofka ugu lacagta badan qoyskeeda.

“Haddii ayna Jenner ka soo jeedi lahayn qoys caan ah, laga yaaba in aanan loo magacaabi lahayn bilyaneerka ugu da’da yar adduunka,” Ayey tidhi Jessica Morgan oo ah haweenay ka shaqaysata qurxinta dumarka filimada jila.

Kylie Jenner

4 arrimood oo ku saabsan ganacsiga Kylie Jenner

1.Waxay aasaastay shirkadda Kylie Cosmetics 2015-kii.

2.Shaqaalaha ka howlgala shirkadda ayaa ah 7 qof oo ah shaqaale toos ah iyo 5 kale oo shaqeeya xiiliyada qaar.

3.Ganacsigeeda ayaa waxa ay ku bilawday lacag gaadhaysa 250,000 oo doolar.

4.Hooyadeed, Kris ayaa maaraysa kharashaadka ganaacsiga.

Gabadhan ayaa waxa ku taxan taageerayaal gaaraya 175 milyan oo qof, iyadoo la sheegay in shirkaddeeda ay hormarka ugu weyn ka samaysay dhanka baraha bulshada.

 

COMMENTS
LINKS