Labadii Midna Ma Hayo, Mase Aqaan Quusta!!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Labadii Midna Ma Hayo, Mase Aqaan Quusta!!!!
March 7, 2019 - Written by Editor:

Waxa loo riday dawladdii adeegga bilaashka ah bixin jirtay (hadda adeegga bilaashka ah may bilaabin dawladdi Siyaad Barre) waxay ahayd in la helo maamul wanaag, Caqliga iyo Cilmiguna Shaqeeyo. Saw ma aha?!!!. Xorayntii ka dib iyo ku dhawaaqidii Somaliland waxa suuragal Ahayd afar arrimood midkood: in aynu isla helno maamul wanaaggii aynu u soo halgannay iyo adeegii bilaashka ahaa; markaa waxaynu noqon lahayn ummad imtixaankii kaalin hore Gashay; Ta labaadna waa In aynu helno Maamul wanaag kaliya; Ta saddexaadna waxay noqon lahayd in aynu helno adeegii bilaashka ahaa oo kaliya; labadan jeer malaha baasid baynu ka hadli lahayn; ta afraadna waa iyadoo labada midna aan la helin; waa sida ay u dhacday’e, oo ah tii u xumayd; intaa waxa dheer markaad khasaarto midnimadaadii oo iyaduna ahayd raasamaal aad haysatay halganka hortii!!!!!

Si kastaba ha ahaatee, waxan qabaa in aynu wali rajo fiican leenahay, maadaama ay wali innaga inagu xidhan tahay in aynu samayno maamul wanaag, kaasoo isaguna keeni kara adeeg tayo leh oo bilaash ah; jaaniskuna aad buu uga fiican yahay sidii uu ahaa halganka hortii; taas macnaheedu waxa weeye mar haddii Siyaad Barre iyo kacaankiisii meesha ka baxeen, caqabad kale oo doonisteena is hortaagi kartaa ma jirto!!!!; u sheega in aanay is daalin, xaq u dirirku ma daalayee!!!!

Qalinkii Prof Cabdi Cali ; Maamul wanaagga Iyo ku Dhaqanka Sharciga.

COMMENTS
LINKS