DAAWO;-Safiirka Somaliland U fadhiya Itoobiya Oo Ka Horyimid Mawqifka Xukuumada Ee Shirkii Beelaha Dir Iyo Isbarbar-Dhiga Hadalada Kasoo Kala Yeedhay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Safiirka Somaliland U fadhiya Itoobiya Oo Ka Horyimid Mawqifka Xukuumada Ee Shirkii Beelaha Dir Iyo Isbarbar-Dhiga Hadalada Kasoo Kala Yeedhay!
March 8, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Safiirka somailand ufadhiya dalka itoobiya ayaa ka horimid mawqifka xukuumada Somaliland ka qaadatay shirkii beelaha dir uga qabsoomay magaalada adis ababa kaasi oo ay hore xukuumada Somaliland Ushaacisay in Aanay Wax lug ah ku lahayn iyadoo wasaarada arimaha dibada warkaasi soo Saartay.

Sidoo kale waxa Shirka beelaha direed Ayaa waxa eedo ujeediyay Madaxwaynaha dawlad Deegaanka somalida Mustafe Muxumed Cagjar Oo sheegayna in shirkan ay wadaan dad aan deegaanka kasoo jeedin,

Safiirka Somaliland ufadhiya itoobiya ayaa isagu sicad uga horyimid siyaasada Arimaha dibada Somaliland iyo Mawqifkii ay xukuumadu ka qaadatay shirka beelaha dir Isagoo safiirku ka dhawaajiyay in beelaha dir majiirati ka yihiin deegaanka somalida itoobiya isagoo sicad utaageeray shirkaasi.

HALKAN KA DAAWO ISBARBARDHIGA HADALKII WASAARADA ARIMAHA DIBADA IYO SAFIIRKA ITOOBIYA+MAWQIFKA MADAXWAYNAHA;

 

COMMENTS
LINKS