Ma Sheegi Karta Shakhsi Lagaga Dayan Karo Siyaasadda Maamulka Toosan Ee Ka Fog, Musuq-maasuq Dhinac Kasta Oo Uu Yahay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Sheegi Karta Shakhsi Lagaga Dayan Karo Siyaasadda Maamulka Toosan Ee Ka Fog, Musuq-maasuq Dhinac Kasta Oo Uu Yahay.
March 9, 2019 - Written by Editor:

Dhalllinyaro siyaasadda xiisaynaysa dhinacna ka warwarsan inay xaaraan ama musuqmaasuq u dhuuman karo, ayaa tallo I waydiisay, “cid aan ku dayan karno oo siyaasadda soo gallay ama ku jirta oo ka badbaaday tuugaysi, eex, nin jeclaysi, maamul dayicid, qaraabo kiil, awoodiisa uu dadka masuulka ugu yahay ugu kala eexdo, intaas mid aan samayn oo siyaasadda ku jira inaba ma garanaysa ????.

Waan fikirey, oo ku noqnoqday su’aasha, waxa kaliya isoo baxay laba shakhsi oo hadda nool, waa Eng:Maxamed Xaashi iyo Dr:Sacad Cali Shire, labaduba arimahaasi laguma yaqaan cid ku sheegtayna ma hayo, inkastoo Sacad Cali Shire isagu naftiisa uun ka ilaaliyo arrimhaaasi balse wasaaradda uu maamulo hadii musuqmaasuq sameeyaan iyo hadii kale aanu dan ka galin, balse naftiisa uun ka xakameeyey waxaanu ku dhaqmaa siyaasada ah (Naftaada uun ka ilaali nooc kasta oo uu yahay musuqmasuq, cidii kale waa iyaga iyo allahoog.), halka Maxamed Xaashi naftiisa ka ilaaliyo cidii lagu sheegana uu talaabo ka qaado.

Marka dhallinyaradii waxaan usoo jeediyey qofka wanaagsan ee sidaas u fikiraya marka uu siyaasadii ka maago waxa meeshii imanaya qofkii xumaa, waa in ka fiicani ka horeeyaa ka xun si uu dadka iyo dalkaba u dhiso, sidaas awgeed, waan ku dhiirigaliyey inay bahasha soo galaan iyaga uun ku xidhan tahay xaaraanta ay ka baqayaan inay u dhuumato.

FG: Maamulka suuban ama toosan:waa mid ku sifoobay sinaan, cadaalad iyo wax qabad, halka musuqmaasuqu yahay, hanti la xaday, cadaalad daro, kala jeclaysi dadka, qaraabo kiil, wakhtiga oo la khasaariyo iwm.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR.

COMMENTS
LINKS