Wax Ka Ogow Dhacdooyinka Maalinlaha Ah Ee Hargeysa Ka Dhaca!W/Q;Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wax Ka Ogow Dhacdooyinka Maalinlaha Ah Ee Hargeysa Ka Dhaca!W/Q;Barkhad-ladiif.
March 11, 2019 - Written by Editor:

Salaadii duhur waxa masaajidka ka kacay nin Cadayle ah waxa uu sheegay in xallay lacagtii cadayga iyo cadaygiisi ciyaal xoog kaga qaadeen oo aanu maanta ka haysan wax uu kaga qadeeyo, waxba habaari maayee bal idinku wax aan qadada siisto uun ii dhiiba.

Waxa suurogal ah in caruurtaasi Cadayglaha dhaafi waayey uu waalidkii masaajidka ku tukanayo, isla markaana aanay waalidkii dhalay caruurtiisa halka ay ku sugan yihiin war ka hayn, waxaas oo inkaar ah iyo dambi ah ee ay galiyaan marka ciidanku amnigu qabto waxaad arkaysa iyadoo saldhiga waalidku tuman yihiin oo caruurtaaasi u doodaya, waxaana inta badan yidhaahdaan marka caruurtaasi laga fadhiyi laayahay la soo qabto masaajidkuu ka soo baxay ama ku jiray ama tukaankan u dirtay oo dhexda laga soo qabtay.

Habeen dhowayd anigoo laamida maraya oo yara madow tahay agagaarku waxa iga soo horbaxay saddex ciyaal ah, markay I dhaafeen waxay qabsadeen miskiin Xabashi ah oo I daba socday , intay dhexda galiyeen bay wixi uu haystayba ka qaadeen, markii aniga iyo dad kale oo meesha marayey ku cararnay aayar uun bay meelo madow ka laabteen.

Qisadda kale ee aan maaanta la kulmay, haween meel xafiis ah fadhiyey ayaa nooga sheekeeyey sheekadan waxay tidhi “haweenay baa lacag laga sugayey, tii ka sugayey waxay dhaar baalaha ugu jartay inay lacagtaasi siisay, gacantii ay korka u haysay ee ku dhaaraynaysay ayuu ilaahay markiiba qalajiyey, imika waa sakaraad waxaana loo taag waayey ashahaado balse waxay ku celcelinaysaa waan ku siiyey, waan ku siiyey, waan ku siiyey, gacantiina kor bay u haystaa.”

Cibraa kugu filan haddii aad caadayste tahay.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR.

 

COMMENTS
LINKS