Doorashada Iyo Saami Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada!!W/Q;Khadar Sheekh Cali Jawhar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doorashada Iyo Saami Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada!!W/Q;Khadar Sheekh Cali Jawhar.
March 12, 2019 - Written by Editor:

Doorashada Golaha Wakiilada Waa In lagu saleeyo tirada gobolada Somaliland shanti Gobol ee woqooyiga Ee dawladii ugu dambaysay ee somaliyeed oo kala ah Awdal, waqooyi Galbeed, Togdheer, Sanaag iyo Sool oo si isleeg loogu qaybiyo tirada gobolada.

Iyadoo tirada barlamaankana la kordhiyo oo laga dhigo 100 xubnood si gobol waliba uhello 25 xubnood oo isleeg maadaama oonan tirokoob sugan la hayn.

Hadii lagu noqdo 1960, waa in Disrtict Saylac uu helo 10 xubnood sida Berbera.

Waayo Berbera iyo Saylac waxay ahaayeen labada district ee jiray markii ingiriisku uu yimid dhulkeenna 1884, ma jirin wakhtigaas degmooyin kale sida Borama iyo Hargaysa, burco, Ceerigaabo iyo Laascanod. Dhamaan degmooyinkas waxa samaysmeen qarnigii 20 aad horaantiisii, khaas ahaan intii udhaxaysay 1910-1920 kii.Haddaba in Berbera ay hesho 5 kursi Saylacna Borama lagu daro waa Cadaallad daro qalbiga fayoow iyo Meerisyadda Taariikhduba inkirayaan maahana wax uu aqbali karo galbiga saliimka ihi.

Wa bilaahi tawfiiq

Qalinkii; Khadar Sheekh Cali Jawhar.

 

COMMENTS
LINKS