Ninkii Internet-ka Sameeyay Oo Hadda Ka Deyrinaya Waxyeeladiisa!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ninkii Internet-ka Sameeyay Oo Hadda Ka Deyrinaya Waxyeeladiisa!!
March 12, 2019 - Written by Editor:

London, (W,N) – Sir Tim Berners-Lee oo ah ninka soo hindisay adeegga bogga internet-ka ee loo yaqaanno Web-ka ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in loo baahan yahay tallaabo ay dunida oo isku duuban u qaaddo sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyin mustaqbalka ka imaan kara maamulka web-ka ee faraha kasii baxaya.

Waxa uu hadalkan ku sheegay wareysi khaas ah oo uu ugu talogalay xuska 30 sano guuradii kasoo wareegtay markii ugu horreysay ee uu soo jeediyay fikradda ah in Web la aasaaso.

Sir Tim ayaa sheegay in dadku ay hadda garowsadeen in macluumaadkooda “lagu waxyeelleyn karo” wixii ka dambeeyay falanqeyntii fadeexadda lagu soo bandhigay ee ay sameysay jaamacadda Cambridge.

Hase ahaatee, wuxuu sheegay inuu dareemayo in dhibaatooyinka ku saabsan xatooyada macluumaadka, weerarka dhinaca internet-ka iyo marin habaabinta xogaha ay yihiin kuwo wax laga qaban karo.

Warqad furan oo Isniintii la daabacay ayuu ninkan soo hindisay web-ka ku sheegay in dad faro badan ay shaki ka qabaan in webku uu hadda yahay mid si buuxda wax tar u leh.

Wuxuu caddeeyay inuu walwal ka qabo mustaqbalka adeegga bogagga internet-ka.

Wareysiga uu BBC-da siiyay ayuu ku yidhi: “Waxaan aad uga walaacsanahay micno darrada iyo marin habaabinta sii fideysa”.

Balse wuxuu hoosta ka xariiqay in dadku ay hadda billaabeen iney fahmaan halista kasoo waajihi karta kuwa sida khaldan u isticmaala web-ka.

“Markii ay soo baxday falanqeynta Cambridge, dadku waxay ogaadeen in doorashooyinka lagu shubtay iyadoo la adeegsanayo macluumaadkii ay webka galiyeen”, ayuu yidhi Sir Tim.

Wuxuu intaas ku daray in sannadihii ugu dambeeyay ay faraha kasii baxayeen shuruucda loo maro maamulista web-ka, arrintaasoo uu dareemayo in ay u baahantahay in wax lala tacaalo.

Warqadda uu qoray Sir Tim ayuu ku qeexay saddex arrimood oo uu saldhig uga dhigay waxyaabaha mustaqbalka burbur u horseedi kara adeegga web-ka, maadaama ay maanta jirto waxyeelladooda.

Dhaqdhaqaaqyo budhcadnimo ah iyo dhac lagu geysto bogagga internet-ka

Hab ganacsi oo loo adeegsado webka, iyadoo ujeeddada laga leeyahay kaliyana ay tahay in dadku ay gujiyaan.

Cawaaqib xumo aan lagu sii tala galin, sida wada sheekeysiyo waxyeello abuuri kara

Dhammaan arrimaha ayuu sheegay in loo baahan yahay sidii deg deg xal loogu heli lahaa isla-markaana loo abuuri lahaa sharciyo xakameeya ficillada internet-ka.

 

COMMENTS
LINKS