Sacuudiga oo Maxkamadaynaya Dumar Xuquuqda Aadanaha U Dhaqdhaqaaqa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sacuudiga oo Maxkamadaynaya Dumar Xuquuqda Aadanaha U Dhaqdhaqaaqa
March 13, 2019 - Written by Reporter:

Riyaadh (WJN)- Tiro ka mid ah dumarka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa lagu maxkamadaynayaa Sacuudiga, dacwaddaas oo dhalisay su’aalo ku saabsan xaaladda xuquuqda aadamaha ee Boqrtooyada Sacuudiga.

Bishii May ee sannadkii hore ayaa la xidhay dumarkan xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa, wax yar uun ka hor markii uu dalkaasi qaaday xayiraaddii dumarka ka saarnayd gaadhi wadidda, qaar badan oo ka mid ah gabdhahan ayaana arrintaas aad ugu ol’oleeyay.

Dacwadaha ay wajahayaan waxaa la sheegay in ay ka mid yihiin “taageeridda kooxo halis ah” waxaana laga yaabaa in xabsiyo dhaadheer lagu xukumo.

Dalabaadka ku aadan in Sacuudigu uu siidaayo dumarkaas ayaa dunida oo dhan ka kala yimid.

Toddobaadkii horana in kabadan 30 dal oo xubno ka ah Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dhaliilay Sacuudiga, iyaga oo ku eedaynaya dumarka ay xidhxidheen.

Soo hadal qaadka arrimaha xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga ayaa sare u kacday tan iyo wixii ka dambeeyay dilkii saxafi Jamaal Khashoqji ee magaalada Istanbul ka dhacday Oktoobar.

Ugu yaraan 10 dumar ah ayaa la filayaa in ay ka soo muuqdaan maxkamadda dambiyada ee Riyaadh, dumarkaas waxaa ka mid ah Loujain al-Hathloul, Aziza al-Yousef, Eman al-Nafjan iyo Hatoon al-Fassi oo dhammaantood ku caan baxay u doodidda xuquuqda aadanaha.

Saxafiyiinta iyo dublamaasiyiinta looma ogola in ay ka qayb qaataan dhagaysiga dacwadda.

 

COMMENTS
LINKS