Itoobiya oo Go’aan Adag Iska Taagtay Diyaaradda Boeing 737 Max 8 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo Go’aan Adag Iska Taagtay Diyaaradda Boeing 737 Max 8
March 13, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Maamulaha shirkada diyaaradaha ee Itoobiya Airlines ayaa codsaday in adduunyadu joojiso isticmaalka diyaaradda nooceegu yahay Boeing 737 MAX 8 ilaa iyo inta laga hubinayo in lagu aamini karo dadka.

Tewolde Gebremariam ayaa arrinkan ka sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC kadib markii diyaarada shirkadiisa ee Boeing 737 MAX * oo ay ku dhinteen dhammaan 157dii qof ee saarnaa. diyaarada ayaa soo dhacday lix daqiiqo uun kadib markii ay ka duushay garoonka Bole ee magaalada Addis Ababa.

Hadalka dowladda Itoobiya ayaa imanaya xilli dowladda Maraykanka ay ku adkaysanayso in ayna waxbo ka qaldanayn diyaaradan.

Mr Tevolde ayaa sheegay in sababta keentay burburka diyaarada ay weli u baahan tahay in la hubiyo laakiin waxa uu sheegay in uu rumeysan yahay in nooca diyaaradan oo dhan la fadhiisiyo maadaama shilku la mid yahay kii diyaarada Lion Air la yidhaa oo dhacay October-tii hore.

.

Diyaaradaas ayaa soo dhacday wax yar uun kadib markii ay ka duushay caasimada Indonesia ee Jakarta. Hay’adda maamusha duulimaadyada ee Mareykanka ayaa sheegtay inaanay marnaba shaqada joojin doonin diyaarada 737 Max ee ay soo saartay shirkada Mareykanka ee Boeing.

Laakiin xubnaha Aqalka Sare iyo urrurada shaqaalaha ayaa cadaadis ku saaraya hay’adda inay soo dejiso dhammaan diyaarada 737 Max.

Dalal dhawr ah oo aad u soo kordhaya ayaa gebi ahaanba hawadooda ka mamnuucey diyaaradan oo la filayo in ay leedahay cillad keeni karta in ay soo dhacdo.

COMMENTS
LINKS