Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Ah oo Ka Dhashay Shil Gaadhi oo Ka Dhacay Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Ah oo Ka Dhashay Shil Gaadhi oo Ka Dhacay Hargeysa
March 13, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Waxaa maanta magaalada Hargeysa gaar ahaan Xaafada Isha Boorama ka dhacay shil gaadhi oo aad u naxdin badan oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii uu gaadhi nooca Xamuulka qaadaa uu jiidhay sadex baabuur.

Ilaa hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay shilkaasi, iyadoona ay wararku sheegayaan in dadka ku dhintay shilkaasi ay ku jirtay Xaaskii Wasiirkii hore ee Qorshaynta Cali Shoombe.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS