Xukuumadda oo Saddex Bilood iyo Qiime Dhimis Ku Dartay Wakhtigii Lagu Beddelayey Sumadda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda oo Saddex Bilood iyo Qiime Dhimis Ku Dartay Wakhtigii Lagu Beddelayey Sumadda
March 13, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland C/laahi Abokor Cismaan, ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu  ku kodhiyey wakhtigii 6 bilood ahaa ee la siiyey dadweyanaha in ay Sumadda kaga beddelaan Gaadiidkooda ee ku ekaa 10 March 2019.

Wareegtadan oo soo baxday 12/ 3/2019 wuxuu  Wasiirku ku sheegay in wakhtigaasi lagu daray 3 bilood isla mar ahaantaasna Wasaaradda Gaadiidku samaysay qiimo dhimis xaga lacagta lagu qaadanayo Sumadda Gaadiidka, qiimo dhimistan ayaa waxa ay ka bilaabmataa 12/3/2019 ilaa bisha June.

Dhinaca kale wareegtan oo ay siyaabo kala duwan ay uga tibaax bixiyeen shacabku, ayaa waxa faah faahin ka bixiyay Agaasimaha guud ee Wasaarada gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cumar Cabdilaahi Aadan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS