Digaag isugu tagay dacawo ka dibna dilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Digaag isugu tagay dacawo ka dibna dilay
March 13, 2019 - Written by Reporter:

Digaag ku sugan beer lagu xannaaneeyo oo iskuul leeyahay oo ku taalla waqooyiga galbeed ee dalka Faransiiska ayaa la rumaysan yahay in ay isugu tageen oo dileen dacawo.

Dhacdadan naadirka ayaa ka dhacday gobolka Brittany ayaa la rumaysan yahay in ay timid ka dib markii dacawadu ay dhex gashay saddex kun oo digaag ah ka dibna uu durba is xidhay albaabkii uu ka soo galay.

“In badan oo ka mid ah digaagii ayaa is aruursaday ka dibna afkooda fiiqan ayay ku weerareen” ayuu yidhi Pascal Daniel oo ah madax ka ah beerta lagu dhaqo digaaga ee iskuulka Gros-Chêne.

Maydka dacawada yar ayaa meel gees ah laga helay maalintii xigtay.

Luqunta ayay xagtimo iyo dhaawac kaga yaaleen ayuu yidhi Daniel oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP

Beertan lagu dhaqdo digaagga waxaa ku sugan 6,000 oo digaag, kuwaas oo lagu hayo shan aykar.

COMMENTS
LINKS