Facebook oo dacwad ku furtay shirkad ‘xogta ka xadda’ macaamiisheeda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Facebook oo dacwad ku furtay shirkad ‘xogta ka xadda’ macaamiisheeda
March 13, 2019 - Written by Reporter:

Barnaamijyo sharci darro ah oo dadka lagu weydiiyo su’aalo ayaa loo adeegsaday in macluumaad looga qaato kumannaan ruux oo macaamiil ah, sida ay sheegtay shirkadda Facebook.

Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa sheegay in qof walba oo damcay inuu arrimahaas ka qeyb qaato la weydiiyay su’aalo looga helay xogaha la xidhiidha magaciisa, sawirkiisa iyo macluumaad kale oo ku saabsan saaxiibadii.

Barnaamijyadan ayaa facebook loo adeegsaday qiyaastii 63,000 oo jeer intii u dhaxeysay sannadihii 2016-kii ilaa bishii Oktoobar ee sannadkii 2018-kii.

Facebook ayaa hadda dacwad kusoo oogeysa laba nin oo lagu kala magacaabo Andrey Gorbachov iyo Gleb Sluchevsky, oo u dhashay dalka Ukraine, kuwaasoo ka shaqeynayay shirkad magaceeda lagu sheegay Web Sun Group.

‘Dhaca Kumbuyuutarrada’

Qaar ka mid ah ciwaannada su’aalaha barnaamijyadaas dadka lagu weydiiyo ayaa ah: “Muxuu midabka indhahaaga kaa sheegayaa?” iyo “Dadku ma waxay kugu jecel yihiin caqligaaga mise quruxdaada?”.

Barnaamijyadan ayaa su'aalo kala duwan lagu weydiiyaa dadka

Su’aalaha noocan ah ayaa marka ay dadku gujiyaan loogu sii gudbiyaa bogag kale, halkaasoo sida ay Facebook sheegtay looga qaato macluumaadka xasaasiga ah ee ku saabsan ciwaannadooda.

Hannaanka xaqiijinta

Andrew Dwyer, oo ah khabiir ku takhasusay amaanka dhinaca internet-ka, waxna ka dhiga jaamacadda Oxford ayaa sheegay in dukumiinti maxkamadda loo gudbiyay uu muujiyay in barnaamijyada noocaas ah ay gudaha u galeen xogaha qarsoon ee dadka macaamiisha u ah Facebook.

Hannaanka xaqiijinta ee ay hadda leedahay Facebook ayaan awood buuxda u lahaan karin inuu aqoonsado ficilkan sharci darrada ah ee lagu sameeyo adeeggooda dhexdiisa, ka hor inta ayna gaadhin xogaha khaaska ah ee macaamiisha, sida uu sheegay Mr Dwyer.

COMMENTS
LINKS