Madaxweynihii ugu horreeyay ee Email diray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii ugu horreeyay ee Email diray
March 13, 2019 - Written by Reporter:

30 sano ayaa kasoo wareegtay markii ugu horreysay ee Dunida loo soo hindisay adeegga internetka ee loo yaqaanno (world wide web), waxaana hadda dib loo xasuusanayaa sidii loo wajahay isticmaalikiisa iyo la qabsashadiisa.

Aqoonyahanka lagu magacaabo Sir Tim Berners-Lee ayuu ahaa ninkii fikradda ku saabsan adeeggan soo bandhigay.

Iyadoo hadda loo dabaal dagayo 30 sano guuradii kasoo wareegtay horumarkaas lagu tallaabsaday ayey shirkadaha tiknoolojiyadda, dadkii ugu horreeyay ee isticmaalay adeeggan iyo siyaasiyiinta howlgabka ah barahooda Twitterka shacabka kula wadaagayaan xasuustooda ku aaddan web-ka iyo sidii loola qabsaday markii ugu horreysay.

Sir Tim Berners-Lee ayuu ahaa ninkii fikradda ku saabsan adeeggan soo bandhigay

Adeeggii sida aadka ah loogu riyaaqay ee uu Web-ka kusoo kordhiyay dunida ayaa ahaa in si aad u dhakhso badan la isugu gudbiyo farriimaha.

Waxaan halkan kusoo qaadaneynaa qaar yar oo ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee isticmaalay adeeggan mar magaciisa loogu yeedhi jiray waddadii ugu cajiibsaneyd ee macluumaadka.

Fikradda ku saabsan adeegga casriga ah ee sida deg degga ah farriimaha la isugu gudbiyo waxaa sannadkii 1991-kii ansixiyay aqalka wakiillada dalka Mareykanka ee Koongareeska.

Koongareeska Mareykanka ayaa ansixiyay hirgalinta adeegga Web-ka

Go’aankaas ayaa sahlay in si fudud awood loogu yeesho isticmaalkiisa.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Al Gore ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee u ol’oleeyay in la taageero tallaabadaas.

Al Gore ayaa qoraal uu 12-kii bishan soo dhigay bartiisa Twitterka ku yidhi: “Sannadkii 1991-kii, xeerkii bandhigga sare ee Kumbuyuutarrada wuxuu waddada u xaadhay adeegga loogu yeedhi jiray “Waddada cajiibka ah ee macluumaadka”. Waxaan ku faanayay inaan qoro sharcigaas isla markaana ku caawiyo dadka internet-ka taageera inay helaan dimuqraadiyad xor ah, taasoo ah darajo aan ku khasbannahay inaan ilaalinno”.

Dhowr sano ka dib, sannadkii 1994-kii, madaxwynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton iyo ra’iisal wasaarihii xilligaas ee dalka Sweden Carl Bildt ayaa noqday hoggaamiyeyaashii dunida ee markii ugu horreysay Email isugu diray adeegga (world wide web).

Mr Clinton ayaa qoraal uu isaguna shalay oo Salaaso ahayd soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yidhi: “Sannadkii 1994-kii, waxaan ku faanayay inaan noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee diray farriin Email ah oo ku socotay mas’uul kale oo dowladeed, Carl Bildt, oo ahaa ra’iisal wasaarihii xilligaas ee dalka Sweden. Farriinta aan u diray markaas waxaan uga mahad celiyay sida ay xukuumaddiisa u garab istaagtay Mareykanka oo soo afjaray cunaqabateyntii dhinaca ganacsiga ee saarneyd Vietnam”.

Suurta gal ma aha in la illoobo shanqadhii ugu horreysay ee ay dadku maqlayeen marka ay farriimaha loo soo diray soo gaadhaan ama ay farriimahoodu baxaan.

COMMENTS
LINKS