Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland oo Gaadhigiisii Kula Qalibmay Degmada Balli-mataan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland oo Gaadhigiisii Kula Qalibmay Degmada Balli-mataan
March 14, 2019 - Written by Reporter:

Balli-mataan (WJN)- Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale “Qambi”, ayaa gaadhigiisa kula qalibmay duleedka degmadda Bali-mataan ee gobolka Hawd.

Wasiirka iyo xubnihii la socday way ka badbaadeen, cidina waxba kuma noqo marka laga reebo gaadhigiisii oo burbur weyni soo gaadhay oo halkii lagaga yimid.

Wasiirka hawlaha guud ayaa ku sii jeeday magaalada Balligubadle kana yimid gobolka Togdheer, waxaanay wararku sheegayaan in uu wasiirku shaqadiisii sii watay oo uu hawlihii uu socday uu hadda ku gudda jiro.

Wasiirki Qambi ayaa muddaba ku jiray tiro koobka hantidda dawladda, waxaanu soo wada maray dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland, imika waxa uu ku socday magaalo madaxda gobolka Hawd ee Balligubadle oo koonfur kaga beegan magaaladda Hargeysa.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/as8JtPzZTzg

COMMENTS
LINKS