Cadho Ka Dhalatay Lacagta Ku Baxday Darbiga Laga Dhisay Xadka Kenya iyo Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cadho Ka Dhalatay Lacagta Ku Baxday Darbiga Laga Dhisay Xadka Kenya iyo Soomaaliya
March 14, 2019 - Written by Reporter:

Nairobi (WJN)- Xildhibaannada dalka Kenya ayaa ka cadhooday in dawladdu ay 35 milyan oo doolar u adeegsatay darbiga 10 kiiloo mitir ah ee ay ka dhistay xadka Kenya iyo Soomaaliya si loo hor istaago xarakada Al Shabaab ee xadka ka soo tallaaba.

Xildhibaannada ayaa rumaysan in dad ka shaqeeya wasaaradda ammaanka ay fursad ka dhigteen halista ka imaanaysa Al Shabaab si ay u xadaan lacagta dadwaynaha.

Faah faahinta kharashka ku baxay ayaa la ogaaday ka dib markii warbixin rasmi ah la horgeeyay xildhibaannada Arbacadii.

Soddon iyo shantaas milyan ayaa ka dhigan in halkii kiiloo mitirba lagu dhisay 3 milyan oo doolar, dhismaha darbiga ayaana ka kooban tiirar shub ah iyo silig shabag ahaan u samaysan.

Lacagtan ayaana ka badan kharashka ay dawladdu u qoondaysay istaraatiijiyaddeeda kaydka cuntada sannad miisaaniyadeedka 2018-2019.

Lacagtan ayaa sidoo kale hal milyan ka badan kharashka ay dawladdu u qabatay hannaan caafimaad oo caalami ah oo dalka oo dhan laga hir galinayo.

Lacagtan ayaa sidoo kale saddex jeer ka badan kharashka loo qabtay in dawladdu ay ku dhisto guryo aan qaali ahayn oo la goyn karo.

Haddii ay kiiloo mitiro ku sii daraan waxay ku kici 43 milyan taas oo la sinnaanin lacagta ay Kenya u isticmaalayso sannadkan barnaamijka umulinta bilaashka ah.

Dawladda ayaa markii hore ku dhawaaqday in ay dhisayso 700km oo darbi ah si Al shabaab looga hor istaagi in ay xadka ka soo tallaabaan, taas baddalkeedana dawladdu waxay 2015kii billoowday darbi shabag ah.

Dawladdu wali kama jawaabin walaaca ka soo yeedhay xildhibaannada, qaar kalana waxay su’aal galiyeen caqliga ka dambeeya in darbi shabag ah lagula dagaallamo argagixiso.

COMMENTS
LINKS