Madaxweyne Biixi oo Shaaciyay Wakhtiga Wada Hadalka Somaliland iyo Soomaaliya Uu Bilaabmayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi oo Shaaciyay Wakhtiga Wada Hadalka Somaliland iyo Soomaaliya Uu Bilaabmayo
March 14, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay khudbad dheer u jeediyey jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka ayaa sheegay in wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya lagu balansan yahay 19-ka bishan wadanka Ganna ee caasimadiisa Accra.

Madaxweyne Biixi ayaa xusay in shirkaasi ay hogaaminayso dawladda Turkiga balse ay ka soo qaybgalayaan dalal badan oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Maraykanka, EU, iyo Sweden, waxaanu xusay in guddi loo magacabi doonno ka shaqaysa wada hadalka labadda dhinac.

“Turkiga waanu u sheegnay in aanan kaligii aqbalayn ee caalamka kale ku soo daro wada hadalka, taasna wuu aqballay, hadda waxa ka soo qaybgali doonnaa Ingiriiska, Maraykanka, EU, iyo Sweden, waxaana bishan 19-keedda la iskugu imanayaa wadanka Ganna ee caasimadiisa Accra si loo sameeyo guddi caalami ah oo Somaliland iyo Soomaaliya kala dhexgasha, waxa hubaal ah in Xamar iyo inta la joogta ka dagaalamayaan”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo ka hadlayey wada hadalka bilaabmaya.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Imaaraadka ka dalbadeen in Xoolaha Somaliland loo furo wadamada khaliijka, gaar ahaaan Sucuudiga oo Imaaraadku hawshaasi ka hawlgasho iyo in muwaadiniinta Somaliland ka shaqayn karaan Imaaraadka si taasi u suurogashanna loo ogolaado passporka Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu imaaraadka ku heshiiyeen in aqoonyahanka barta cilmiga Shiidaalka loo ogolaado inay ka shaqaeeyaan warshadaha shiidaalka, taas oo afartankii qof ee u horeeyey Hargeysa laga soo qaadayo.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS