Madaxda Dunidda oo Ka Fal-celiyey Weerarka New Zealand | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxda Dunidda oo Ka Fal-celiyey Weerarka New Zealand
March 15, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Weerar argagixiso oo lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand, kuwaas oo lagu dilay ugu yaraan 49 qof, ayaa argagax, cadho iyo lama filaan ka abuuray dunidda.

Mid ka mid ah kooxda weerarka fulisay  oo la rumeysan yahay inuu yahay xagjir Australian ah, ayaa si toos oo muuqaal ah u baahiyey weerarka.

Newsinside“Waa ay caddahay in tani lagu qeexi karo oo kaliya weerar argagixiso” waxaa sidaas tidhi ra’iisal wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, oo ku qeeyxday “mid ka mid ah maalmihii ugu madoobaa New Zealand.”

Muslimiinta waxay wajahayaan dil wadareed

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa yidhi “Weerarkan ama cadaawadda ku wajahan muslimiinta ee dunida ay daawanaysay muddo ama mararka qaar ay dhiiri-gelineysay, waxay dhaaftay xuduuddii dhibaateynta shaqsi, waxayna gaartay heer dil wadareed”

“Haddii aan la qaadi tallaabooyin deg deg ah, waxaa midda xiga doona musiibo kale” ayuu yidhi Erdogan.

Weerar xaasidnimo iyo wuxuushnimo

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa yidhi “Weerar ka dhan ah dad si nabdoon isugu yimid inay tukadaan waa naxdin ay ku dheehan tahay xaasidnimo iyo wuxuushnimo:”

“Waxaan rajaynayaa in kuwa ku lugta leh ay maraan ciqaab adag” ayuu yidhi Putin.

War naxdin leh

Madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa yidhi “War naxdin leh ayaa caawa kasoo yeedhay New Zealand, weerarkan arxan darrada ah marnaba ma tirtiri doono dulqaadka iyo akhlaaqda ay New Zealand ay caanka ku tahay”

Ficil laga yaqsiyoodo

Ra’iisal wasaaraha Britain, Theresa May ayaa tidhi “Kadib weerar argagixiso oo argagax leh oo ka dhacay Christchurch, waxaa qalbigeygu la jiraa kuwa uu saameeyey ficilkan rabshadeed ee laga yaqsiyoodo”

Dambi arxan darro

Wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka, Heiko Maas ayaa yidhi “weerarkan arxan darrada ah wuxuu si qoto-dheer u saameeyey dalkayga”.

Xagjiriinta waxay burburinayaan bulshadeena

Ra’iisal wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in qalbigiisu la jiro dhibanayaasha qoyska iyo dowladda New Zealand, wuxuuna yidhi “Xagjiriinta iyo kuwa mayalka adag, waxay doonayaan inay burburiyaan bulshadeena”

COMMENTS
LINKS