Maamul Goboleedka Puntland oo Sheegay In Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Laga Qayb Geliyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamul Goboleedka Puntland oo Sheegay In Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Laga Qayb Geliyo
March 15, 2019 - Written by Reporter:

Garowe (WJN)- Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa u soo jeedisay dowladda federaalka Soomaaliya in laga qaybgeliyo wadahadallada Somaliland, xilli la sheegay in wadahadallada loo balansan yahay 19 bishan.

“Sida uu qabo dastuurka federaalka ahi, gorgortan iyo heshiis walba oo saamaynaya dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah waxaa waajib ah in laga qaybgeliyo oo aanu ku koobnaan kaliya dowladda federaalka.”

Sidaas darteed Puntland waa inay qayb ka tahay wada-hadal walba oo saamayn ku leh deegaannada Puntland gaar ahaan wadahadallada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Somaliland”.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/6dS0n3f6EEw

COMMENTS
LINKS