Isku Aadka Quarter Final-ka iyo Semi Final-ka Champions League oo La Sameeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isku Aadka Quarter Final-ka iyo Semi Final-ka Champions League oo La Sameeyay
March 15, 2019 - Written by Reporter:

Waxaa la sameeyay isku aadka koobka Champions League wareegiisa quarter final-ka oo lagu sii lamaaniyay isku aadka Semi Final-ka, waxaana ka dhacay kulamo xiiso badan, iyadoo la sugayo kuwa kale.

Waxaa dib loo xasuusan doonaa final-kii Champions League 1996 markaas oo ay Juventus si rikoodhe ah kaga badisay koobka kooxda Ajax, 23-sano kadib ayeyna isku arki doonaan quarter final-ka tartanka.

Barcelona waxey la ciyaari doontaa Man United oo ay laba jeer ka qaadeen final-ka koobka UEFA Champions League – 2009 iyo 2011, balse Red Devils waxey hal jeer ka reebeen tartanka Balaugrana marka laga hadlo kan ay ka guul gaadheen waana 2008 oo ay qaadeen.

Laba kooxood oo Ingiriis ah ayaa isku beegmay waana kooxaha Man City vs Tottenham oo aan taariikh sidaas u weyn ku laheyn tartankaan, halka Liverpool ay ku beegmeen kooxda Porto.

Pep Guardiola ayaa semi final-ka ku beegmi kara kooxda lala xidhiidhiyay inuu afar sano heshiis ah u saxeexay Juventus, waase hadii ay soo wada gudbaan, halka Salah iyo Messi ay is wajahi karaan hadii ay soo wada baxaan.

ISKU AADKA QUARTER FINAL-KA OO DHAMEYSTIRAN:

Ajax vs Juventus

Liverpool vs Porto.

Tottenham Hotspur vs Manchester City

Barcelona vs Man United

ISKU AADKA SEMI FINAL-KA:

Ajax vs Juventus kooxdii soo baxda waxey ku beegmi doontaa kooxdii kasoo baxda kulanka weyn ee Manchester City vs Tottenham Hotspur.

Barcelona vs Man United kooxdii soo baxda waxey ku beegmi doontaa kooxdii kasoo gudubtay kulanka Liverpool vs Porto.

GOORMA AYAA LA CIYAARI DOONAA KULAMADA?

9/10 April: Quarter-finals, lugta koowaad

16/17 April: Quarter-finals, lugta labaad

30 April/1 May: Semi-finals, lugta koowaad

7/8 May: Semi-finals, lugta labaad

Saturday 1 June: Final – Estadio Metropolitano, Madrid

F.G: Dhamaan kulamada waxaa la ciyaari doonaa 11:00 habeenimo (Wakhtiga Geeska Africa), hadii ayna UEFA dib u badalin wakhtiga.

COMMENTS
LINKS