WAJAALE NEWS

Tababare Zinadine Zidane oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Kooxdiisa Ee Kulanka Celta Vigo

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa shaaciyay liiska xiddigaha kooxdiisa u matali doona kulanka ay toddobaadkan soo dhawayn doonaan kooxda Celta de Vigo.

Zidane oo si rasmi ah ugu soo laabtay Estadio Santiago Bernabeu habeenimadii Isniinta ayuu kulanka Celta u yahay midkiisii ugu horreeyay ee tan iyo soo laabashadiisa iyadoo wax badan looga fadhiyo.

Zidane ayaa laga sugayaa inuu ugu horreynba kala cadeeyo boosas badan sida booska daafaca bidix oo xiddigii joogtada ku ahaa ee Marcelo Vieira uu kala wareegay da’yarka Sergio Reguilon.

Haddaba, Tababaraha reer France ayaa liiskan kusoo daray Isco oo iska la’aa liisaskii ugu dambeeyay ee kulamada kooxda si lamid ah xiddigaha Marcelo, Gareth Bale, Brahim Diaz iyo Mariano oo qudhoodu aan xaalad fiican ku jirin.

Halkan Kaga Boggo Liiska Xiddigaha Real Madrid ee kulanka Celta Vigo

Exit mobile version